Hargeysa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar muhiim ah oo dhinaca nidaaminta iyo tayaynta adeegyada caafimaadka ah, iyadoo markii ugu horreysay la diyaariyay Xeerka Caafimaadka Qaranka. Xeerkan oo muddo dheer la sugayey ayaa ah mid astaan u ah bisayl siyaasadeed iyo faham qoto dheer oo ku saabsan daryeelka caafimaad iyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada Somaliland.
Muddo sanad iyo saddex bilood ah oo si joogto ah loogu hawlanaa diyaarinta xeerkan, waxa muuqata in xukuumaddu mudnaan gaar ah siisay arrintan. Tani waxay muujinaysaa in caafimaadka bulshada loo aqoonsaday tiir muhiim u ah horumarka dalka. Dal kasta oo ku hamiyaya horumar waara, ma gaadhi karo himiladiisa haddii aanu lahayn nidaam caafimaad oo hufan isla markaana gaadha dhammaan bulshada.
Muddo sanad iyo saddex bilood ah oo si joogto ah loogu hawlanaa diyaarintiisa, waxa cad in xukuumaddu mudnaan gaar ah siisay arrintan. Tani waxay muujinaysaa in caafimaadka bulshada loo aqoonsaday tiir lama huraan u ah horumarka dalka. Dhab ahaantii, dal kastaa ma gaadhi karo horumar waara haddii aanu lahayn nidaam caafimaad oo hufan, isla xisaabtan iyo adeeg caafimaad oo wadda gaadha dhammaan bulshada.
Habka loo maray diyaarinta xeerkan ayaa isna mudan in la bogaadiyo. Gaadhsiinta gobollada intooda badan iyo qabashada kulamao wada-tashi ah oo lala yeeshay bulshada iyo daneeyayaasha kala duwan waxay muujinayaan in la tixgeliyey aragtiyo kala duwan. Tani waxay sare u qaadaysaa kalsoonida shacabka, maadaama ay dareemayaan inay qayb ka yihiin samaynta xeerka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa ka-qaybgalka iyo lahaanshaha shacabka.
Xeerka Caafimaadka Qaranka wuxuu leeyahay muhiimad weyn. Wuxuu xoojinayaa isla xisaabtanka hay’adaha caafimaadka, taas oo yareynaysa khaladaadka isla markaana kordhinaysa kalsoonida bulshada. Sidoo kale, wuxuu kor u qaadaa tayada adeegyada caafimaadka iyadoo la dejinayo heerar cad oo la raaco. Intaa waxaa dheer, wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa ilaalinta caafimaadka guud, gaar ahaan dhinacyada ka hortagga cudurrada iyo wacyigelinta bulshada.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan dedaalada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo muujisay dadaal muuqda oo ay ku doonayso horumarinta adeegyada caafimaadka. Iyada oo xeerkan cusubina uu qayb ka yahay istaraatiijiyad ballaadhan iyo qorshe qaran oo lagu gaadhsiinayo adeegyo tayo leh dhammaan shacabka.
Gebogabadii, Xeerka Caafimaadka Qaranka waa hal-abuur qaran iyo fursad qaali ah oo Somaliland diirrada ku saarayso dib u habaynta nidaamkeeda caafimaad. Si kasta ba ha ahaatee, hirgelinta xeerkan waa tallaabo qarannimo oo ah tiir adag oo lagu dhisayo bulsho caafimaad qabta oo door muuqda ka qaadata horumarka dalka. Waxaana la joogaa waqtigii ficil lagu muujin lahaa himilooyinkii lagu soo dhisay xeerkan.




















