Qiimaha Iyo Quruxda Nolosha
Qofka ugu nolosha wanaagsani Maaha kan ugu hantida badan, ama caafimaad, nabadgelyo haysta iwm, laakiin waa kan noloshiisa oo dhan ku xidhay Allah (sw) oo raacay wixii Allah (sw) Faray , kana hadhay wixii loo diiday.
Nolosha inteeda qadhaadh ee dhibta leh waxa ka badan inteeda wanaagsan ee dhadhanka macaan leh, iyadoo lagu hamiyo waxa Allah (sw) agtiisa yaalla ayaa ah farxadda iyo sacaadad dhamayska tiran.
Aduunyadu waa mid aad u liidata , Jannaduna waa qaali waana derejooyin. Waxa ugu saraysa Janada Fardows, waxay ku hoos taalla Carshiga Raxmaanka (sw), waxaana ka burqda webiyada Caanaha, Malabka, Khamriga iyo Biyaha oo aan la mid ahayn kuwa dunida maanta aan ku aragno.
“َQofka jeclaada aduunayada wuxu u noqdaa adoon u shaqaynaya oo u dulaysan, Kan iskaga jeestana iyada ayaa u shaqaysaa oo u dulowda” Ibnu Qayim AL-Jawsi
Waxa fiican inaad nolosha u bedesho mid Allah (sw) ku xidhan si ay kuugu qurux badnaato.
Ibnu Qayim waxa uu ku soo koobay dunida iyo jacaylkeeda “ In loo jeclaado adduunka si xad-dhaaf ah waa asalka dembi kasta iyo furaha dhibaato kasta.”






















