Dadka Cimriga Gaaban
- Bertrand William Russell oo ahaa faylasuuf Ingiriis ayaa yidhi: “ Noloshu way ka gaabantay kana kooban tahay oo haddana ka qiimo badan tahay inaan uruurinno gefafka dadka kale inagu sameeyaan iyo in dadka la isku diro oo belaayo la dhe dhigo”. Waxa uu intaa ku daray “ dadka khaladka uruuriyaa waxa ay iska lumiyaan wakhti qiimo badan halka kuwa dadka isku diraanna ay noqdaan dad qiimihii nolosha gabay oo cimri gaaban”.
- Guusha Weyn waxaad gaadha markaad naftaada ka Guulaysto.
- Aadamiga waxa nolosha jeclaysiiya waxa ugu muhiimsan rajada
- Qiimaha qofku wuxuu ku jiraa, inaad baahidaad qarsato ilaa ay dadku kuu qaataan inaad tahay mid hodan ah. Inaad Qarsato cadhaadaada ilaa laguu qaato inaad faraxsan tahay. In marka xaaladdu kugu xumaato aad qarsato ilaa loo qaato in xaalkaagu wanaagsan yahay.
- Islaan da’ ah ayaa la weydiiyay , sidee ayaad ugu noolaydeen nolol bilaa technologi ah oo aan Telefon, Internet iyo Electronic midna lahayn ? Waxaana ay ku jawaabtay:
Sida aad maanta ugu nooshihiin nolol bilaa kalgacal ah, balan fur badan, been iyo bilaa






















