Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha JSL oo Xarunta Gobalka Saaxil ka Hirgelisay Shaybaadhka Casriya

0
95

Isuduwaha Wasaaradda xanaannada xoolaha iyo horumarinta reermiga ee Gobalka Saaxil Dr. Maxamed Saleebaan Cajab ayaa sheegay in ay tahay markiii ugu horeysey ee laga hirgeliyo gobolka shaybaadh noocan ah waxana hadalkiisa ka mid ah aha sida “waa alxamdulilah maanta oo jimce ah waxanu rakibaynaa qalabkii shaybaadhka Gobolka Saaxil iyadoo ay tahay markii ugu horeysey ee gobolku yeesho shaybaadh lagu baadhi karo noocyo badan oo ka mid ah xanuunada xoolaha”.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in shaybadhada maxjarada dhoofka xoolaha ku yaala ay yihiin shaybaadho gaar loo keeyahay laakin maanta gobolka laga hirgeliyey shaybaadh u adeega bulshada xoolo dhaqatada ah waxanan aad uga mahad naqaya masuuliyiinta sare ee wasaaradda oo uu ugu horeyo Wasiirku mudane Cumar Shacayb Maxamed.

Waxa kale oo uu sheegay isuduwe Cajab in bilahan soo socda la sameynayo dhisme ka wayn kan hada aanu ku bilawnay shaybaadhka oo ay inaga caawinayan Bangiga Aduunka World Banka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ee Gobolka Saaxil gaar ahaan dhakhtiirta degmada Sheekh Ayaa Maanta Daweynta xoolaha ka sameeyey degaano hoos yimada degmada Sheekh.

Deegaanadan dhakhtirtu ka shaqaysay ayaa ahaa deegaanka Qarasgoy iyo Durur.

Dhakhtiirta ayaa u shaqayey qoysas badan oo xoolo dhaqato ah halkaas oo ay dadka deeganku mahadnaq balaadhan u soo jeediyeen maamulka iyo dhakhaatirta wasaraada kuna tilmaameen dad fahamsan masuuliyadooda.

Dhakhatiirta Wasarada Xananada Xoolaha Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ee Gobolka Saaxil Ayaana Bilihii U Dambeyey Ka Waday Degamada Hoos yimada Degmada Sheikh iyo guud ahaan gobolka Ssaaxil Daweynta Xoolaha wakhtiyadaas oo abaaro laba jirsaday ka taagnaayeen dalka iyagoo badbaadiyey boqolaal kun oo neef oo abaaruhu saameeyen.

Maamulka wasaarada ee gobolka saaxil iyo ‎dhakhatiirtan Ayaa Maalin iyo Habeenba Aan Ka Nasan Daaweynta Xoolaha ku dhaqan deeganada gobolka Saaxil iyo xoolaha soo guurtadii wakhtiyadi abaaraha. Sidoo kale dhakhaatiirtaasi ayaa weli sii wada gargaarka iyo gurmadka ay u fidinayaan dadka reer guuraaga ah ee xoolahooda ay saamaysay abaartu.

Isuduwaha Wasarada Xananada Xoolaha Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ee Gobolka Saaxil Dr Maxamed Saleeban Cajab Ayaa Dadaal Fara badan Ku Bixiyey Sidii habeen iyo maalinba Loo Daweyn Lahaa Xoolaha wakhtigii abaarta isla markaana heegan geliyey dhakhtiirta gobolka wakhtigan roobabku da’ayaan si looga hortago xaalad kasta oo ku timaada Xoolaha.