“Geeddi-socodka Xaqiiqadda Somaliland iyo Sheekada Qarsoon ee Aqoonsiga

0
107

Warbaahinta (Dawan) Horn Vision ayaa soo bandhigay muuqaal xiiso leh oo si qoto dheer uga hadlay xaqiiqda qarsoon ee Somaliland iyo sababaha soo dedejiyay aqoonsigeeda. Warbixintu waxay iftiimisay in Somaliland ay maanta tahay dal aan la iska indho-tiri karin, isla markaana ah saamilay ay beesha caalamku si weyn u eegayso. Waxa kale oo la xusay in ay tahay dal xasiloon oo ka dhex hillaacaya Geeska Afrika, oo leh dawlad shaqaysa iyo ciidan u gaar ah.

Sida lasu sheegay warbixinta Kanaalka Horn Vision, Waddamada Dunida, quwadaha waaweyn ee caalamka sida Maraykanka, Shiinaha, iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya saamaynta marin-biyoodyada istiraatiijiga ah ee gobolka, taas oo si gaar ah indhaha caalamka si weyn ugu soo jeedisey xeebaha muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo loolanka juquraafi-siyaasadeed ka dhigay mid xiiso gaar ah leh.

Warbixintu oo Wargeyska Dawan soo xigtay, waxay sidoo kale iftiimisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay hay’ado shaqeeya oo muhiim u ah horumarka iyo aqoonsiga rasmiga ah. Waxay tilmaamtay in Somaliland ay noqotay xudunta dareenka iyo xiisaha quwaadaha caalamka, iyadoo martigelineysa tartanka quwadaha waaweyn. “Somaliland waa dal adkaysi leh, dimuqraadi ah, kuna yaalla goob istiraatiiji ah oo ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka. Taasina waa sababta dhabta ah ee aan la isaga indho-tiri karin xaqiiqada Somaliland.”

Warbixintani waxay muujisay sida Somaliland uga soo baxday burbur iyo colaado, una martay jid ku dhisan guul iyo xasilooni, taasoo ka dhigaysa meel muhiim ah oo laga eego siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. “Safarka Somaliland wuxuu ku bilaabmay masiibo: magaalooyin la duqeeyey, xasuuq, iyo tacadiyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, taas oo keentay go’aankii aayo-ka-tashiga ahaa ee bulshada reer Somaliland sanadkii 1991. Bulshada reer Somaliland waxay ku dhawaaqeen madax-bannaani si ay u badbaadaan. Somaliland waxay dooratay dib-u-heshiisiin iyo dawlad-dhis hoos ka soo bilaabmay, iyadoo isku dhex dartay hab-dhaqan soo jireen ah iyo dimuqraadiyad casri ah.”

Warbixintu waxa kale oo ay intaasi raacisay “Goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ayaa noqotay mid si weyn loo qiimeeyo. Marinka Bab al-Mandab waa halbowlaha ganacsiga adduunka, halka dekedda Berbera oo la casriyeeyay ay noqotay hanti muhiim ah. Sidaa darteed Isbeddel weyn ayaa yimid markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland sanadkii 2024, taasoo ku saabsan marin-badeed iyo iskaashi dhaqaale. Arrimahan ayaa si weyn u beddelay jihada diblomaasiyadda gobolka.

Warbixintan ayaa lagu soo gabagabeeyay “Aqoonsiga Somaliland maaha mid si kedis ah u dhacay, balse waa geeddi-socodsi tartiib ah u soo socday muddo 34 sannadood ah. Xidhiidha milatari, heshiisyada dhaqaale, iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee ka furmaya Hargeysa ayaa loo arkaa “aqoonsi aamusan. Sidaa darteed Somaliland maanta maaha oo keliya sheeko hore, balse waa saamilay muhiim ah oo ka muuqda miiska siyaasadda gobolka.