Hargeysa (Dawan) Warbaahinta AfriNews 24 ayaa soo bandhigtay korodhka dardarta diblomaasiyadeed iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sida ay u soo jiidanayso indhaha fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Warbixintu waxay xustay in dedaalada Somaliland aanay ku koobnayn oo kaliya raadinta aqoonsi caalami ah, balse ay door muuqda ka ciyaarayaan dib-u-qaabaynta khariidadda Geeska Afrika.
Warbixinta Kanaalka AfriNews 24 oo wargeyska Dawan soo turjumay, waxa kale oo ay iftiimisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si tartiib-tartiib ah u dhiseyso saameyneedas istiraatiijiga ah, iyadoo ka qaybqaadanaysa xasilloonida iyo horumarka gobolka Geeska Afrka, isla markaana ay u diyaarsantahay mustaqbalka caalamiga ah ee muhiimka ah.
Sidoo kale warbixintu waxay daaha ka rogtay sida Somaliland ay u muujisay dardaar cusub oo dhanka diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah. Waxa kale oo ay si qoto dheer u falanqaysay sida xidhiidhada istiraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan xidhiidhada ay la leeyahay Itoobiya iyo Kenya ay u beddeleen loolanka gobolka, iyo sababta aamusnaanta labadan waddan ay u tahay farriin diblomaasiyadeed oo ka miisaan culus hadallada rasmiga ah kuwaasi oo ay ku macnaysay safar sahaminaya iskaashiga dhabta ah iyo maalgashi jid cusub u jeexaya saamaynta Somaliland ee fagaaraha caalamka.
Warbixintu waxay intaasi raacisay “Geeska Afrika wuxuu marayaa marxalad isbeddel weyn oo dhanka diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah. Somaliland ayaa xoojisay xiriirka gobolka, gaar ahaan saamaynta ay ku leedahay Itoobiya iyo Kenya. Muuqaalkani wuxuu si qoto dheer u eegayaa waxa loogu yeero “Diblomaasiyadda Aamusnaan” iyo sida iskaashiga dhaqaale uu u horseedayo aqoonsi dhab ah oo ka madax-bannaan dhawaaqyo siyaasadeed oo rasmi ah.”
AfriNews 24 waxa kale oo ay xustay “Somaliland waxay bilowday qorshe ballaadhan oo ay ku muujinayso inay tahay lamaane muhiim u ah xasilloonida iyo koboca dhaqaale ee Bariga Afrika. Qodobada muhiimka ah waxaa ka mid ah:
Xidhiidhka Kenya: Booqashadii wefdiga heerka sare ah ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Somaliland ay ku tageen Nairobi waxay muujisay rabitaanka labada dhinac ee xoojinta danaha qaranka iyo iskaashiga gobolka. Sidoo kale Maalgashiga Itoobiya iyo Ka qaybgalka aqoonyahannada iyo dhallinyarada Somaliland ee madasha “Invest in Ethiopia 2026” waxay cadeyn u tahay in Somaliland loo arko qayb muhiim ah oo ka mid ah silsiladda dhaqaalaha gobolka, gaar ahaan beeraha, tamarta, iyo dalxiiska. “
Sidas ay sheegtay warbixintu, mid ka mid ah qodobbada ugu xiisaha badan ayaa ah aamusnaanta Itoobiya iyo Kenya ee arrimaha aqoonsiga Somaliland. Iyada oo labadan waddan ay si dhab ah u doorteen inay ka aamusaan. Waxaana lagu yidhi warbixinta “Aamusnaantani maaha dhex-dhexaadnimo fudud, balse waa xisaab istiraatiiji ah oo u oggolaanaysa inay xidhiidh dhow la yeeshaan Somaliland iyagoo ilaalinaya danahooda amni iyo ganacsi.”




















