Tirada guud ee dhimashada dagaalka gobolka oo sii kordhaysa

0
47

Tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, tirada dhimashada ayaa sii kordheysay guud ahaan gobolka.

Iiraan: Kooxda u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee Iiraan (HRANA) ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa soo warisay in 3,492 qof la dilay tan iyo markii dagaalku billowday – oo ay ku jiraan 1,574 qof oo rayid ah , kuwaas oo ugu yaraan 236 ka mid ah ay ahaayeen carruur.

Israa’iil: Adeegga ambalaaska ee Magen David Adom ee Israa’iil (MDA) ayaa sheegay in 19 qof ay ku dhinteen gantaallo tan iyo bilowgii dagaalka.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in sagaal askari oo Israa’iili ah lagu dilay Lubnaan.

Lubnaan: Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 1,247 qof ay dhinteen, oo ay ku jiraan 124 carruur ah.

Khaliijka: Ugu yaraan 24 qof ayaa lagu dilay guud ahaan Khaliijka ilaa hadda, badankooduna waa shaqaale amni ama shaqaale ajnabi ah. Kuwaas waxaa ku jira 11 qof oo ku sugan Imaaraadka Carabta iyo toddobo qof oo ku sugan Kuwait, halka Cumaan, Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn ay mid walba soo sheegeen laba dhimasho.