Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Tallaabada ay Xukuumadda Somaliland ku daah-furtay nidaamka cashuurta kaarboonka qaranka iyo mashruuca Green-Gate waa horumar siyaasadeed iyo dhaqaale oo muujinaya in Somaliland si dhab ah ugu tallaabsanayso ilaalinta deegaanka iyo la jaanqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada. Tallaabadani maaha oo keliya war-saxaafadeed, balse waa isbeddel siyaasadeed oo qeexaya sida Somaliland u aragto mustaqbalkeeda cimilada, dhaqaalaha iyo maamulka khayraadka. Waa go’aan caddeynaya hoggaan leh aragti fog, masuuliyad qaran iyo faham qoto dheer oo ku saabsan mustaqbalka deegaanka iyo horumarka dhaqaale.
Hoggaan Aragti Fog Leh:
Xukuumaddu waxay qaaday tallaabo muujinaysa in ay si xeel dheer u fahantay caqabadaha cusub ee dunida, gaar ahaan isbeddelka cimilada iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah. Hirgelinta nidaamka cashuurta kaarboonku maaha oo keliya qorshe deegaan, balse waa siyaasad qaran oo lagu dhisayo horumar waara, koboc dhaqaale oo joogto ah, isla markaana lagu xoojinayo nidaamka maamulka casriga ah.
Tani waxay Somaliland ka dhigaysaa dal hormuud ka noqda gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan mandaqada, marka la eego qaadashada siyaasadaha casriga ah ee deegaanka, isla markaana muujinaysa in xukuumadda Somaliland ee wadajir iyo waxqabad ay diyaar u tahay inay la jaanqaaddo isbeddellada caalamiga ah iyo baahida cusub ee maamulka dhaqaalaha iyo deegaanka.
Dunida maanta, cashuurta kaarboonka iyo nidaamyada la socodka qiiqa hawada ayaa noqday aalado muhiim u ah dawladaha doonaya inay la jaanqaadaan xeerarka caalamiga ah ee deegaanka. Somaliland oo hirgelinaysa nidaamkan waxay muujinaysaa go’aan geesinimo leh oo ku wajahan ilaalinta deegaanka, isla markaana dhisaysa qaab dhaqaale oo u adkaysta isbeddelka cimilada.
Mashruuca Green-Gate: Casriyeyn iyo Hufnaan:
Mashruuca Green-Gate ee ay hirgelisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland wuxuu astaan u yahay casriyeyn dhab ah oo lagu sameynayo maamulka dekedaha iyo garoomada diyaaradaha. Nidaamkani waa hannaan horumarsan oo kor u qaadaya la socodka qiiqa kaarboonka, hufnaanta maamulka deegaanka, isla xisaabtanka hay’adaha, iyo ilaalinta khayraadka qaranka.
Hirgelinta nidaamkan dijitaalka ahi waxa uu Somaliland u diyaarinayaa heer cusub oo ku dhisan hannaanka caalamiga ah ee maamulka deegaanka iyo tiknoolajiyadda, iyadoo la abuurayo nidaam xog sugan ku dhisan oo fududeynaya go’aan qaadashada iyo kormeerka saameynta deegaanka. Arrintani waxay kor u qaadaysaa kalsoonida caalamiga ah, isla markaana waxat fure u noqonaysa maalgashi cusub iyo iskaashi horumarineed.
Siyaasad ku Dhisan Isku-dheellitirnaan:
Xukuumaddu waxay muujisay in horumarka dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanku ay is barbar socon karaan, taas oo ah aragti casri ah oo ay dunidu maanta ku socoto. In nidaam dijitaal ah lagu cabbiro qiiqa kaarboonka isla markaana lagu maamulo saameynta deegaanka waxay ka dhigan tahay in Somaliland si toos ah u qaadanayso masuuliyadda ilaalinta khayraadkeeda dabiiciga ah, iyadoo aan sugin taageero dibadeed ama shuruudo lagu khasbo. Tani waxay muujinaysaa in Somaliland ay qaadatay siyaasad madax-bannaan oo ku dhisan dan qaran, isla markaana ku salaysan horumar waara iyo ilaalinta deegaanka.
Xoojinta Sumcadda Caalamiga ah:
Is-waafajinta nidaamka Green-Gate iyo heerarka caalamiga ah ee ay dejisay hay’adaha adduunka ee ee gaadiidka badda iyo hawadu waxay Somaliland siinaysaa fursad ay ku kasbato kalsooni caalami ah, isla markaana ay ku noqoto dal lagu kalsoonaan karo marka la eego maamulka deegaanka iyo ganacsiga. Tani waxay si toos ah u taageeri kartaa koboca ganacsiga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha, maadaama nidaamyo cad oo deegaanka ah ay noqdeen shuruud muhiim ah oo ay shirkadaha caalamiga ahi ku qiimeeyaan iskaashiga iyo maalgashiga.
Mas’uuliyad Qaran iyo Ilaalinta Mustaqbalka:
Dunida maanta waxa si weyn diiradda loo saaray dhimista qiiqa kaarboonka iyo ilaalinta deegaanka. Xukuumadda Somaliland oo qaadaysa tallaabadan waxay muujinaysaa masuuliyad qaran oo ku wajahan badbaadinta mustaqbalka jiilasha dambe. Tani waxay caddeyn u tahay in horumarka dhaqaale iyo ilaalinta deegaanka la isku dheellitiri karo marka la helo hoggaan iyo qorshe cad, isla markaana aanay ahayn laba arrimood oo iska hor imanaya, balse ay yihiin laba tiir oo isku dhafan oo lagu gaadhi karo horumar waara.
Gunaanad
Ugu dambayn, nidaamka cashuurta kaarboonka iyo mashruuca Green-Gate waa tallaabo taariikhi ah oo mudan in la taageero. Waa jidka saxda ah ee lagu gaadhi karo dhaqaale waara, deegaan la ilaaliyo, iyo sumcad caalami ah oo kor u kacda. Xukuumaddu waxay mar kale muujisay in ay ka go’an tahay horumarka dalka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo dhismaha mustaqbal ammaan ah oo ay ka faa’iidaysan doonaan jiilasha soo socda.






















