“Somaliland Waa Dal Xasilloon oo Fursad u ah Caalamka”

0
44

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Horn Vision ayaa sheegtay in isbeddelo siyaasadeed oo waaweyn ay ka socdaan Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo sababay in waddamada adduunka iyo quwadaha caalamku ay dib u eegaan qorshayaashooda la xidhiidha muhiimadda Somaliland oo xilligan loo arko xarun istiraatiiji ah iyo awood caalami ah. Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaamtay in Somaliland aanay ahayn kaliya dal raadinaya aqoonsi caalami, balse ay tahay xarun cusub iyo fure istiraatiiji ah oo dunidu si weyn ugu baahan tahay, gaar ahaan marka la eego juqraafi ahaan iyo xasilloonida gobolka.

Warbixinta ayaa sidoo kale diiradda saartay muhiimadda mashaariicda waaweyn ee ka socda Berbera, kuwaas oo dekedda u beddelay xarun ganacsi oo caalami ah iyo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaqaalaha adduunka. Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay sida quwadaha adduunku ay u beddelayaan qorshayaashooda istiraatiijiyadeed iyo sababta ay si gaar ah diiradda ugu saarayaan Somaliland iyo marinada muhiimka ah, iyadoo Berbera ay noqotay deked bixisa marin nabdoon oo muhiim u ah ganacsiga iyo amniga caalamiga ah.

“Wax weyn ayaa ka dhacaya Geeska Afrika. Somaliland oo ah qaran aan si rasmi ah uga muuqan inta badan khariidadaha adduunka, laakiin leh awood juqraafi, iyo xasillooni siyaasadeed, ayaa hadda dunida tusaya in uu yahay fure istiraatiiji ah oo dunidu u baahan tahay. Somaliland waxay si rasmi ah u noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah ciyaarta shaxda siyaasadda caalamiga ah iyada oo ah dal ku faanaya dawlad u gaar ah, lacag iyo nabadgelyo buuxda in ka badan 30 sanno.” ayaa lagu yidhi warbixintan.

Waxa kale waxa lagu xusay warbixintan oo wargeyska Dawan soo xigtay: “Mashaariicdan waaweyn iyo horumarka istiraatiijiga ah ee Berbera ayaa Somaliland ka dhigay ciyaaryahan muhiim ah oo ka dhex muuqada saaxadda siyaasadda iyo ganacsiga caalamiga ah isla markaana aanay dunidu iska indhatiri karin.” Warbixintu waxay intaasi raacisay “Dekedda Berbera ayaa u beddelaysa Somaliland xarun ganacsi oo caalami ah. Ballaadhinta dekedda oo ay maalgelisay DP World iyo aasaaska xarunta dhaqaalaha ee cashuurahaka caagan ‘Berbera Economic Zone’ waxay ka dhigayaan Berbera xarun ganacsi oo caalami ah. Sidoo kale Waddada ‘Berbera Corridor’ waxay dekedda si toos ah ugu xidhaa Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo aan bad lahayn.”

Warbixintan oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan ayaa sidoo kale tilmaamtay sababta quwadaha caalamiga ah ay diiradda u saarayaan Somaliland, iyaga oo raadinaya beddel ammaan ah oo ka baxsan goobaha dagaalka tooska ah iyo marinada badda ee khatarta ku jira, sida Marinka Hormuz ee Gacanka Faaris. “Soo bixitaanka Somaliland waxay ku saabsan tahay juqraafi, awood, iyo dib-u-sawiridda khariidadda caalamiga ah. Dadka badankoodu weli ma dareemin, balse dhowaan dunidu ma awoodi doonto inay iska indhatirto. Somaliland waxay u soo baxaysaa sidii xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga, ganacsiga, iyo siyaasadda gobolka Geeska Afrika.”

Sidoo kale warbxintan ayaa lagu xusay “Hadda, dalal awood badan ayaa ogaanaya, maaha oo kaliya xasilloonideeda, balse waa goobta ay ku taal. Sheekadu kama bilaabato Afrika, ee waxay ka bilaabataa biyaha qasan ee Gacanka Faaris, halkaas oo xiisadda Iran ay khatar ku gelisay xasilloonida caalamka. Sidaa darteed qorsheyayaasha cusub ee adduunku ayaa raadinaya beddel kale oo xasiloon, istiraatiiji ah, kana fog goobaha dagaalka ee tooska ah, indhahoodu waxay ku soo dhaceen xeebta dheer ee nabadda ah ee Somaliland ee ku teedsan Gacanka Cadmeed. Jamhuuriyaddan oo ah dal xasiloon iyo dawlad dimuquraadi ah tan iyo sannadkii 1991, waxay bixisay goob muhiim ah oo ku taal isgoysyada badda ee caalamiga ah.”