Qore Sacad Xarbi
Gabiley (Dawan) Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gobolka Gabiley ka daahfurtay mashruuc horumarineed oo la xidhiidha tamarta cusboonaata oo laga hirgelinayo deegaanno ka tirsan gobolka, gaar ahaan Kala-baydh iyo Xuunshaley, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumar isku xidha tamar, dhaqaale iyo bulsho, isla markaana lagu dardargelinayo adeegsiga xalal tamareed oo waara, sidoo kalena muujinayaa jihada cusub ee ku wajahan adeegsiga tamarta nadiifta ah.
Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cabd iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa dhagax dhigay mashruucan, oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda ADRA ayaa qayb ka ah barnaamijka ACTIVE, kaas uu si gaar ah diiradda u saarayaa taageeridda kaydinta caanaha iyo qalabka lagu kaydiyo, taas oo ah arrin si toos ah u taabanaysa nolosha xoolo-dhaqatada iyo beeralayda deegaanka. Adeegsiga tamarta nadiifta ahi waxa uu yaraynayaa kharashaadka, waxaanu kor u qaadayaa waxtarka iyo joogtaynta adeegyada muhiimka ah.
Kulankii lagu qabtay xafiiska duqa degmada Gabilay ayaa ahaa mid lagu muujiyay faham wadajir ah oo ku saabsan muhiimadda mashruuca iyo ilaalintiisa. Ka qaybgalka masuuliyiinta degmada, Wasaaradda, Hay’adda ADRA iyo shirkadda fulinaysa waxa uu caddeeyay in mashruucani leeyahay saldhig iskaashi oo adag taas oo muhiim u ah guushiisa.
Maalgelinta uu bixiyay Midowga Yurub waxa ay muujinaysaa aragti istiraatiiji ah iyo faham qoto-dheer oo ay xukuumadda Somaliland ka leedahay sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo deeqaha beesha caalamka, si loogu horumariyo kaabeyaasha iyo dhaqaalaha dalka.
Isku xidhka tamarta nadiifta ah iyo horumarinta wax-soo-saarka caanaha ayaa ah tusaale cad oo muujinaya muhiimadda mashaariicda isku dhafan, kuwaas oo awood u leh inay si waarta u beddelaan hab nololeedka bulshada isla markaana kor u qaadaan wax-soo-saarka iyo dakhliga bulshada.
Gebogabadii, mashruucani maaha oo keliya mid dhismo iyo qalabayn ah, balse waa mid xambaarsan rajo dhaqaale, horumar bulsho iyo ilaalin deegaan, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka gobolka Gabiley. Sidoo kale, mashruucan oo ah tallaabo sax ah oo loo qaaday dhinaca horumarinka bulshada, waxa uu u baahan yahay dabagal joogto ah, isla xisaabtan iyo qorshe fog si uu u noqdo mid dhaliya natiijooyin waqti dheer jira. Waa fursad aan la dayici karin, fursad lagu dhisi karo mustaqbal ay tamar nadiif ahi laf-dhabar u tahay koboca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.






















