Ruushka ayaa ugu dambeyntii ka hadlay halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iiraan Ayatollah Mojtaba Khamenei, isaga oo sheegay inuu ku sugan yahay Iiraan.
Warar soo baxayey ayaa sheegayey in Mojtaba Khamenei loo daad-gureeyey Moscow, laakiin mar safiirka wax laga weydiiyay halka uu joogo Khamenei iyada oo warar xan ahi ay sheegayaan in uu joogo Moscow, safiirka Ruushka ee Iiraan Alexey Dedov ayaa yidhi: “Sida madaxda Iiraan ay si isdaba joog ah u sheegayeen, hoggaamiyaha cusub wuxuu ku sugan yahay Iiraan, laakiin sababo cad awgood, wuxuu ka fogaanayaa inuu ka soo muuqdo fagaarayaasha.”
Aqalka Kremlin ayaa hore u diiday inuu ka hadlo halka uu ku sugan yahay Khamenei.
In ka badan saddex toddobaad ka dib markii loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan, Khamenei weli laguma arag ama laguma maqal fagaarayaasha.
Ilo xog ogaal ah oo xaaladda ka warqaba ayaa u sheegay CNN horraantii bishan in Khamenei uu ku dhaawacmay weerarkii lagu dilay aabihiis iyo taliyayaashii ugu sarreeyay ee militariga Iiraan. Ilo wareedka ayaa sheegay in cagta uu jabay, isha bidix nabar ka gaadhay iyo nabarro yar yar oo wejiga ah.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa horey u sheegay in Khamenei uu “u badan yahay inuu naafo yahay” isaga oo aan wax caddayn ah bixin.






















