Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa digniin culus u dirtay cid kasta oo ku hawlan falal iyo abaabul wax u dhimaya nabadgelyada gobollada galbeedka dalka, (Awdal iyo Selel) iyadoo shaacisay in tallaabooyin sharci ah oo adag laga qaadi doono qof kasta oo isku daya inuu carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida guud ee goboladaas.
Xukuumaddu waxay sidoo kale sheegtay in ay dadaal badan gelisay ilaalinta shacabka muddadii ay socdeen colaadahaq iyo xaaladaha amni, balse ay lagama maarmaan tahay in bulshada lafteedu ka qayb qaadato sugidda nabadda. Waxaa intaas lagu daray in amar cad la siiyay hay’adaha amniga si ay tallaabo sharci ah uga qaadaan cid kasta oo falal qalalaase abuuraya.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in dowladdu mar walba u tudhaysay dadkeeda, balse hadda la joogo xilligii tallaabo adag la qaadi lahaa. Waxaanu yidhi “Dowladdu dadkeeda ayay dhawraysay, laakiin waxay garan waayeen dadkeedii ay dhowraysay inay iyaga laftigooduna is dhawraan. Waxaa hadda amar lagu haystaa in cid kasta oo far dhaqaajisa gacanta lagu soo dhigo.”
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Yuusuf, ayaa isaguna xaqiijiyay in ay xukuumaddu si buuxda uga go’an tahay sugidda amniga gobollada Galbeedka Somaliland. Waxa uu tilmaamay in dadaallo hore oo ku salaysnaa wacyigelin iyo baaqyo nabadeed ay horseedeen xasilooni, balse hadda loo gudbay marxalad fulin adag leh.
“Marar badan ayaan Galbeedka Somaliland nabad ugu soo baxnay, balse nabaddaasi waxay ku koobnayd wacyigelin. Maanta waxa daba socda fulin. Ciddii diidda nabadda, Ciidamada Qaranku waxay amar ku qabaan inay gacan bir ah ku qabtaan. Lama oggola cid hubaysan ama gaadiid hubaysan oo qoryo sita,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiggu.






















