“Indooniisiya oo u Jeedsatay Berbera: Isbedel Ganacsi oo Cusub ayaa ka Curtay Bariga Afrika” Horn Lens

0
25

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay warbaahinta Horn Lens ayaa iftiimisay in isbeddel weyn oo caalami ahi uu ku yimid qaab-dhismeedka ganacsiga badda ee Bariga Afrika. Sidoo kale, warbixintan oo uu soo xigtay Wargeys-ka Dawan waxay muujinaysaa in hoos u dhac weyn ku yimid doorkii ay Dekedda Jabuuti ku lahayd ganacsiga Itoobiya, halka Dekedda Berbera ay si muuqata u noqotay beddel casri ah oo tartan adag kula jirto dekedda Jabuuti.

Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaamaysaa in dowladda Indonesia iyo dhoofiyayaal kale oo caalami ah ay u soo jeesteen ka faa’iidaysiga Dekedda Berbera, isla markaana shirkadaha ganacsi ee Indonesia iyo daneeyayaal kale oo caalami ah ay si weyn u xiisaynayaan in ay u soo wareegaan dhinaca Somaliland. Waxa kale oo lagu xusay in tallaabadani ay caddeyn u tahay in hufnaanta, casriyeynta, iyo horumarinta Berbera Corridor ay noqdeen halbowlaha cusub ee isku xidhaya marinada ganacsiga Bariga Afrika.

Falanqayntu waxay si qoto dheer u sharxaysaa sababaha keenay isbeddelkan, doorka maalgashiga caalamiga ah, iyo sida shirkadaha dhoofinta gaar ahaan kuwa shirkadaha Saadka ee dalka Indonesia ay u adeegsanayaan Dekedda Berbera ee xeebaha Somaliland si ay u yareeyaan khataraha saadka. Waxa kale oo ay si cad u muujiysey in cidhiidhga iyo dib u dhacyada ka jira Dekedda Jabuuti ay door weyn ku leeyihiin hoos u dhaca saamigeedii ganacsi ee Itoobiya.

“Indonesia waa tusaale muhiim ah,” ayay warbixintu xustay, waxaanay intaasi raacisay “Shirkadaha Indonesia waxay u arkaan Berbera beddel istiraatiiji ah. Dunida casriga ah ee saadka, ku tiirsanaanta hal marin waa khatar weyn. Sidaas darteed, u jeesashada Berbera waa tallaabo lagu dhisayo adkaysi (resilience), si ganacsigu aanu u hakad gelin haddii caqabado ka yimaadaan Jabuuti.”

Warbixintu waxay sidoo kale muujinaysaa in Berbera aanay hadda ahayn deked yar oo gobolka ah, balse ay noqotay xarun ganacsi oo caalami ah oo ay maamusho DP World. Warbixintu waxay tilmaamay saddex arrimood oo muhiim ah oo Berbera siinaya faa’iido tartan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Nidaamka Dhijitaalka ah oo dedejiya habraacyada kastamka iyo maamulka rarka isla markaana soo gaabinaya waqtiga rarka.

Qodobka kale ee muhiimka ah ayay warbixintu ku tilmaantay Aagagga dhaqaalaha ee bilaashka ah (Free Zones) oo u oggolaanaya shirkadaha caalamiga ah ee dhoofinta iyo kuwa wax soo saarka inay Berbera ka dhigtaan xarun ay alaabta ku kaydsadaan ama ku farsameeyaan. Warbixintu waxa kale oo ay xustay kalsoonida dhoofiyeyaasha (Predictability) ay tahay qodob kale oo muhiim ah, maadaama oo ay si sax ah loo ogaan karo waqtiga alaabtu iman doonto ama bixi doonto.

Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay iftiimisay muhiimadda Berbera Corridor, iyadoo ku tilmaantay halbowlaha cusub ee dhaqaalaha. “Jidkan casriga ah ee Berbera Corridor oo ah jid ku habboon dhammaan cimilada ayaa meesha ka saaray caqabaddii ugu weynayd ee ahayd isku xidhka dekedda iyo gudaha Itoobiya. Faa’iidada jidkani kuma koobna oo keliya Itoobiya iyo Somaliland, balse wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha deegaannada uu maro, wuxuuna hoos u dhigayaa kharashaadka gaadiidka taas oo ay si toos ah uga faa’iideysanayaan macaamiisha Bariga Afrika.”

Warbixintu waxay taabanaysaa dhinaca juquraafi-siyaasadeedka (geopolitics), iyadoo sheegtay: “Soo bixitaanka Berbera wuxuu beddelayaa miisaanka awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika. Itoobiya waxay heshay madax-bannaani dheeraad ah oo ka baxsan ku tiirsanaantii Jabuuti, taas oo siinaysa awood gorgortan oo cusub. Gobolka wuxuu ka guurayaa nidaam hal-marin ah wuxuyba u gudbayaa nidaam dekedo badan (multi-gateway system), taas oo kordhinaysa xasilloonida saadka iyo ganacsiga caalamiga ah.”

Gabagabadii, warbixintu waxay si cad u muujinaysaa in waxa ka socda Berbera aanu ahayn oo keliya horumar deked, balse uu yahay isbeddel istiraatiiji ah oo saameyn ku leh ganacsiga caalamka. Waxaana lagu yidhi “Ujeesashada Indonesia ee Berbera waa calaamad muujinaysa in suuqyada caalamku ay hadda u arkaan Berbera marin la isku halayn karo, isla markaana kor u qaadaya tayada adeegga iyo xasilloonida dhaqaale ee gobolka muhiimka ah ee Bariga Afrika.”