Dedaallo Istaraateji ah oo Lagu Xoojinayo Adeegga Hay’adda Caymiska Qaranka ee JSL

0
83

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Hargeysa (Dawan) Kulankii muhiimka ahaa ee Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ku soo gebagebeysay magaalada Boorama waxa uu iftiiminayaa jihada saxda ah ee ay hay’addu u qaadday dhanka hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo horumarinta adeegyada ay bulshada u hayso. Dib-u-eegista wax-qabadka saddex-biloodlaha ah maaha oo keliya hawl maamul oo joogto ah, balse waa tiir muhiim u ah hay’ad kasta oo doonaysa inay gaadho horumar la taaban karo.

Hoggaanka hay’adda, oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha Mudane Axmed Xirsi Ducaale iyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, waxay muujiyeen bisayl hoggaamineed oo ku saleysan isla-xisaabtan iyo daahfurnaan. In si qoto dheer loo falanqeeyo guulaha la gaadhay iyo caqabadaha jira, isla markaana si degdeg ah loogu sameeyo dib-u-habayn qorshaha shaqo, waa astaan muujinaysa hay’ad ay ka go’antahay horumar joogto ah.

Waxaa mudasn in si gaar ah loo bogaadinayo dadaalka lagu xoojinayo nidaamyada kor-joogteynta casriga ah, kuwaas oo kaalin weyn ka qaadan kara hagaajinta tayada adeegyada iyo hubinta in la helo natiijooyin la cabbiri karo. Marka nidaamyo noocan oo kale ah la hirgeliyo, waxay sare u qaadaan isla-xisaabtanka, waxayna yareeyaan khaladaadka iyo dib-u-dhacyada.

Gebogabadii, kulankan dib-u-eegista ah waxa uu tusaale u yahay sida ay hay’addu uga go’an tahay in ay noqoto mid la jaanqaadaysa heerarka casriga ah ee maamul iyo adeeg. Haddii dadaalladan la sii joogteeyo, Hay’adda Caymiska Qaranka JSL waxay noqon kartaa hormuudka iyo horseedka horumarinta dhaqaalaha dalka iyo kobcinta adeegyada caymiska ee bulshada Somaliland.