Wasaaradda Caafimaadka oo Xoojisay Qorshaynta iyo Tayeynta Adeega

0
79

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Kulanka billaha ah ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, oo ay hormuud ka ahaayeen waaxyaha Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda iyo Gargaarka Degdegga ah, waxa uu mar kale muujiyey sida ay uga go’an tahay wasaaradda horumarinta adeegyada caafimaadka iyo la socodka joogtada ah ee xaaladaha dalka. Iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah sida WHO, Save the Children iyo hay’adda Alight ayaa ah mid xoojinaya tayada iyo waxtarka qorshayaashan, isla markaana ka tarjumaya aragti furan oo ku dhisan wada-shaqayn iyo horumar wadaag.

Kulankan oo ay hoggaaminayeen Dr. Maxamed Ismaaciil iyo Dr. Khadar Cumar ayaa noqday madal muhiim ah oo lagu mideeyey xogaha waxqabadkii bishii tagtay, laguna falanqeeyey xaaladaha caafimaad ee soo kordhay, dib-u-eegista, iyo dejinta qorshayaasha istaraatiijiga ah ee bisha soo socota. Waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socda . Habkan dib-u-eegista joogtada ahi waxa uu muhiim u yahay hay’ad kasta oo doonaysa in ay si dhab ah u fahamto baahiyaha bulshada, isla markaana si degdeg ah uga jawaabto caqabadaha soo baxa. Waxaa mudan in si gaar ah loo bogaadinayo sida ay masuuliyiintu u dhiirrigeliyeen wadaagista xogta iyo aragtiyaha, taas oo horseedaysa go’aanno ku dhisan xaqiiqooyin iyo falanqayn xeel dheer.

Dhinaca kale, qorshahan diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii bishii tagtay iyo dejinta qorshayaasha bisha xigta ayaa muujinaysa nidaam shaqo oo hufan oo leh jihayn cad. Tani waxa ay saldhig u tahay isla-xisaabtan dhab ah, maadaama la cabbiri karo waxqabadka, laguna hagaajin karo meelaha ay ka muuqdaan tabar-darridu. Falanqaynta qotoda dheer ee lagu sameeyey caqabadaha jira iyo iftiiminta fursadaha cusub ayaa ah tallaabo muujinaysa bisayl maamul iyo himilo fog.

Waxa muuqata in Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ay ku shaqaynayso aragti fog oo qoto-dheer, isla markaana aanay koobnayn oo keliya ogaanshaha dhibaatooyinka, balse ay diiradda saarayso xal u heliddooda, taas oo ah astaanta hay’ad wax-ku-ool ah. Gebogabadii, ansixinta qorshayaasha waxqabad ee bisha xigta waxa ay caddeyn u tahay in kulankani aanu ahayn mid hadal ku eg, balse uu yahay mid horseedaya ficil iyo horumar muuqda oo xoojinaya tayada adeegyada caafimaad, isla markaana kaalin muuqada ka qaadan doona badbaadada iyo fayo-qabka bulshada Somaliland.