“Wasaaradda Deegaanka JSL Waa Laf-dhabarta Nolosha Bulshada” Wasiir Geeljire

0
76

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Geeljire, ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka istaraatiijiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay ilaalinta deegaanka iyo hagidda horumarka dalka, isagoo xusay in Wasaaraddu ay tahay tiir muhiim u ah isku dheellitirka horumarka iyo badbaadinta khayraadka dabiiciga ah. Wuxuu tilmaamay in qorshe kasta oo horumarineed uu u baahan yahay in si taxaddar leh loo qiimeeyo, si loo hubiyo badqabkiisa iyo in aanu waxyeello u geysanaynin deegaanka.

Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Deegaanku ay tahay laf-dhabarta nolosha bulshada, maadaama ay masuul ka tahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo hubinta in horumarka la qorsheynayo aanu waxyeello u geysan deegaanka. Waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu leedahay awoodda sharciyeed ee oggolaanshaha dhammaan mashaariicda horumarineed ee dalka laga fulinayo, gaar ahaan kuwa si toos ah u taabanaya deegaanka dabiiciga ah.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Geeljire ayaa carrabka ku adkeeyey in mashruuc kasta oo horumarineed uu u baahan yahay qiimayn deegaan (Environmental Impact Assessment) iyo oggolaansho rasmi ah oo ka oo laga helo Wasaaradda Deegaanka, si loo hubiyo in la ilaaliyo dheelitirka deegaanka iyo badbaadada khayraadka jiilasha mustaqbalka.

“Wasaaraddani waa Wasaarad aasaasi u ah nolosheena. Waa Wasaaradda keliya ee leh awoodda oggolaanshaha dhammaan hawlaha horumarineed ee ay fulinayaan qaybaha kala duwan ee Xukuumaddu, Sababtoo ah wixii sidii Ilaahay u abuuray laga bedelayo waa awoodeeda inay iyadu ogolaato,” ayuu yidhi Wasiirka Geeljire.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland waxay door udub-dhexaad ah ka ciyaarta isku dheellitirka horumarka iyo ilaalinta deegaanka, waana hay’adda kaliya ee leh awoodda sharciyeed ee lagu hubinayo in mashaariicda horumarineed ee dalka laga fulinayo aanay waxyeello u geysan khayraadka dabiiciga ah. Hadallada Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdillaahi Geeljire, ayaa si cad u iftiiminaya in horumar kasta oo la hiigsanayo uu ku xidhan yahay qiimayn deegaan oo sax ah iyo oggolaansho rasmi ah, taas oo dammaanad qaadaysa badbaadada deegaanka iyo danta jiilasha mustaqbalka.