Hargeysa (Dawan) Shirka saddex-biloodlaha ahaa ee amniga badda ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibeddu qabatay, iyadoo kaashanaysa EUCAP, wuxuu mar kale muujiyey muhiimadda istiraatijiga ah ee ay Somaliland siineyso ilaalinta xeebaha iyo badaha dalka. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo daneeyayaal caalami ah ayaa noqday madal lagu qiimeeyo xaaladda amniga badda, laguna xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa si cad u muujiyay in ilaalinta amniga badda ay tahay waajib qaran oo lama huraan ah, isla markaana ay leedahay saameyn toos ah oo ku saabsan ganacsiga, amniga iyo sumcadda dalka. Xeebaha Somaliland oo leh muhiimad istiraatiji ah ayaa lagu tilmaamay inay ka mid yihiin marinada muhiimka ah ee ganacsiga caalamka, taas oo kordhinaysa baahida loo qabo feejignaan iyo diyaar garow joogto ah.
Sidoo kale, warbixinnada lagu soo bandhigay kulanka waxay iftiimiyeen isbeddellada ka socda marinada ganacsiga caalamiga ah, iyada oo la xusay in aanay jirin khatar degdeg ah oo muuqata, haddana ay lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo ka hortagga iyo la socodka xaaladaha badda. Shirkan ayaa sidoo kale muujiyey biseyl siyaasadeed iyo faham qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda amniga badda, taas oo ka tarjumaysa jihada Somaliland u qaadayso dhismaha nidaam amni oo waara oo ku dhisan wada-shaqayn, xog-wadaag iyo qorsheyn istiraatiji ah.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay madaxa cusub ee xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee EUCAP, Artsi Allane, oo ah xafiiska taageera amniga badda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Waxa uu tilmaamay in shirkan uu yahay mid diiradda saaraya qiimeynta iyo xoojinta xaaladaha amniga badda ee Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si qoto dheer la isaga kaashado hababka lagu hubinayo amniga maraakiibta soo mara xeebaha Somaliland iyo waddooyinka lagu sugi karo badqabka marinada badda.





















