Is-beddelka Dhaqaale ee Somaliland 2025: “Koboca Dhakhliga, Maamul Wanaagga iyo Maalgashigga”

0
70

Horumarka JSL: “Dib-u-habayn Dhaqaale, Ganacsi iyo Maaliyaddeed ee (2025)”

 “Doorka Xukuumadda Somaliland ee Xoojinta Dakhliga Qaranka iyo Wax-soo-saarka”

Hargeysa (Dawan Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muujiyey koror iyo horumar la taaban karo Sannadkii 2025, iyada oo Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee Somaliland ay dedaal badan ku bixisay xoojinta dakhliga qaran, iyada oo diiradda la saarayo kobcinta wax-soo-saarka, kaabayaasha dhaqaalaha , iyo maalgashiga, sida uu sheegay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa khudbaddiisi dastuuriga ahayd ku muujiyay in dhaqdhaqaaqa iyo dakhliga Dekedda Berbera uu kor u kacday 27%, halka Miisaaniyadda qarankuna ay kodhodhay 20%. Sidoo kale waxa la hirgeliyey nidaamka dhaqaale oo daahfuran (Treasury Single Account (TSA)) si loo xoojiyo hufnaanta maaliyadda.

Sidoo kale sannadkii 2025 waxaa horumar ballaadhan la sameeyay koboc muuqda oo dhinaca dhoofka ah, gaar ahaan xoolaha nool, kalluunka, iyo macdanta. Korodhkaasi waxa uu ka tarjumayaa dadaalka xukuumadda ee lagu xoojiyey wax-soo-saarka gudaha iyo suuq-geynta badeecadaha dalka, taas oo sare u qaaday dhaqaalaha guud iyo dakhliga ka soo gala dibadda.

Dhanka horumarinta xoolaha, waxa la daweeyey in ka badan 3 milyan oo xoolo ah, halka 63 xarumood oo caafimaadka xoolaha ah dib loo furay. Beeraha ayaa sidoo kale la gaadhsiiyey horumar la taaban karo, iyadoo 1,204 beeraley ah la siiyey tababarro kor u qaadaya aqoontooda wax-soo-saar. Beeraleyda waxaa la siiyey qalab casri ah, waxaana la horumariyey nidaamyada waraabka iyo balliyada, taas oo kordhisay wax-soo-saarka dalagyada isla markaana yaraysay ku-tiirsanaanta roobka.

Ugu dambayn, dhinaca maalgashiga, Somaliland waxay ka qayb gashay shirar caalami ah sida kuwa lagu qabto Dubai iyo Davos, si loo soo jiito maalgashi shisheeye loona dhiirrigeliyo ganacsiga gudaha. Guud ahaan, sannadka 2025 waxa uu ahaa mid muujiyey horumar dhinacyo badan leh oo kor u qaaday koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.