“Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland: Iskaashi, Aqoonsi iyo Saameyn Caalami ah!”

0
90

Hargeysa (Dawan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 2025 waxay xoojisay dedaaladeeda ku aaddan arrimaha dibadda iyo diblumaasiyadda, iyadoo diiradda la saaray xoojinta xidhiidhada iyo iskaashiga caalamiga ah, raadinta aqoonsi buuxa, iyo dhisidda xidhiidho istaraatiiji ah oo ku salaysan dano wadaag. Sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland waxa hagaya mabaadii’da nabadda, iskaashiga, iyo xidhiidh ku dhisan sinnaan iyo ixtiraam wadaag.

Mid ka mid ah yoolalka ugu muhiimsan ayaa ahaa helitaanka aqoonsi caalami ah, kaas oo aan ku koobnayn oo keliya xidhiidh diblumaasiyadeed, balse furaya fursado dhaqaale, ganacsi, iyo amni. Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro ayaa khudbaddiisi dastuuriga ahaa ku bayaamiyay in aqoonsiga JSL uu yahay jid sahlaya helitaanka maalgashi shisheeye, ka mid noqoshada hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, iyo xoojinta iskaashiga amniga gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xukuumaddu waxay Sannadkii 2025, si weyn u kordhisay ka muuqashadeeda fagaarayaasha caalamiga ah. Waxay ka qayb gashay shirar waaweyn sida kuwa Dubai (World Governments Summit), Davos (World Economic Forum), iyo shirar kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika. Shirarkan waxa lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dalka, khayraadkiisa dabiiciga ah, iyo doorka istaraatiijiga ah ee Somaliland ku leedahay gobolka.

Dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, Somaliland waxay dadaal gelisay in ay hesho saaxiibo cusub oo istaraatiiji ah, isla markaana ay xoojiso kuwii hore. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay jiraan dalal danaynaya aqoonsiga Somaliland iyo in ay la yeeshaan xidhiidh diblumaasiyadeed oo u dhow, taas oo muujinaysa korodhka kalsoonida caalamiga ah ee Somaliland. Sidoo kale, xidhiidhka dalalka jaarka ah ayaa mudnaan gaar ah la siiyey, iyadoo Somaliland ku adkaysatay mabda’a jaar-wanaagga, iskaashiga, iyo xasilloonida gobolka

Si loo xoojiyo awoodda diblumaasiyadda, waxa la aasaasay Machadka Diblumaasiyadda Somaliland, kaas oo tababarro siinaya diblumaasiyiin cusub si ay si xirfad leh ugu matalaan dalka fagaarayaasha caalamiga ah. Gunaanad ahaan, sannadkii 2025 waxa uu ahaa mid Somaliland ay si weyn ugu tallaabsatay xoojinta diblumaasiyaddeeda, kordhinta muuqaalkeeda caalamiga ah, iyo dhisidda saldhig adag oo ay ku gaadho himiladeeda aqoonsi iyo iskaashi caalami ah.