Somaliland: “Doorashooyin joogto ah iyo xasillooni siyaasadeed oo soo jiidatay indhaha Caalamka”
“Daraasad iftiiminaysa guulaha siyaasadda Somaliland” International Journal on Minority and Group Rights
Hargeysa (Dawan) Cilmi-baadhis cusub oo lagu daabacay Wargeyska International Journal on Minority and Group Rights ayaa si weyn u iftiimisay horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Daraasaddu waxay sidoo kale soo bandhigtay su’aalo muhiim ah oo la xidhiidha sababta beesha caalamku ay weli uga gaabinayso aqoonsiga Somaliland oo ah qaran si dhab ah u muujiyay xasillooni siyaasadeed, nidaam dowladnimo oo casri ah iyo doorashooyin dimuquraadi ah po joogto ah.
Daraasaddan oo uu qoray khabiir Belayneh Worku Yeshaneh oo ka tirsan xarunta cilmi-baadhista International Journal on Minority and Group Rights (IJMGR) diiradda saarta arrimaha dimuqraadiyadda iyo siyaasadda, ayaa tilmaantay in Somaliland ay muddo ka badan soddon sano ku jirtay hannaan dowladnimo oo dimuquraadi ah, kaas oo lagu dhisay dedaal maxali ah oo lagu dhisay isku-darka hannaanka dimuqraadiyadeed ee casriga ah iyo dhaqanka bulshada Somaliland.
Daraasaddu waxay xustay in Somaliland ay qabatay doorashooyin daah-furan oo ku dhisan dimuquraadiyad iyo tartan xor iyo xaal ah, kuwaas oo si isdaba joog ah la isugu wareejiyay awoodda ugu sarraysa dalka, kawaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka madaxweynaha, baarlamaanka iyo deegaanka. Sidoo kale, waxay xustay in doorashada JSL oo horseed u ah isku wareejinta awoodda si nabad ah ay si weyn u xoojisay xasilloonida siyaasadeed iyo kalsoonida nidaamka dowliga ah.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay si guul leh isugu dartay nidaamka dimuqraadiyadeed ee casriga ah iyo nidaamka dhaqanka ee Golaha Guurti-ga, kaas oo door muhiim ah ka qaata xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta wadajirka bulshada. Sida ay xustay warbixintu, Isku-darkaasi wuxuu horseeday xasilooni siyaasadeed, wada-hadal bulsho, iyo ka fogaanshaha khilaafaad hubeysan.
Waxa kale oo warbixinta daraasaddan lagu sheegay in Somaliland ay tusaale u tahay sida dhismaha dowladnimo uu u guuleysan karo marka uu ku yimaado dedaalada gudaha iyo rabitaanka maxaliga ah ee bulshada, halkii lagu tiirsanaan lahaa gargaar caalami ah iyo nidaam dibadda laga soo waarido. Waxay muujinaysaa muhiimadda isku darka dhaqanka iyo nidaamka casriga ah ee dimuqraadiyadda, gaar ahaan iyadoo la adeegsanayo golaha odayaasha, (Guurtida) Waxa kale oo ay xustay in tani ay Cashar u tahay dalalka Afrika, sidoo kalena ay caddeyneyso in dalal colaado kasoo baxay ay si tartiib ah u gaadhi karaan xasillooni iyo doorashooyin nabadeed haddii ay jirto wada-tashi iyo lahaansho gudaha ah oo dhab ah.
Si kastaba ha ahaatee, maqaalka wuxuu si cad ugu baaqay beesha caalamka in si rasmi ah adduunku u aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, maadaama oo ay buuxisay dhammaan shuruudaha dawladnimo ee qaanuunka caalamiga ah, waxaanay xustay “Somaliland waxay u taagan tahay imtixaan muhiim ah oo ku saabsan nidaamka caalamiga ah, iyadoo su’aasha weyn ee la is weydiinayo ay tahay: dimuqraadiyad guuleysatay ma ku filan tahay haddii aan la aqoonsan?.”





















