Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda JSL ay dedaal badan ku bixinayso xoojinta Nabadda, isla markaana aanay marnaba ka gaabi doonin meel kasta oo ay la gasho. Hadalka Madaxweyne ku xigeenku maaha oo keliya weedh siyaasadeed oo la yidhi; waa fariin qoto dheer oo ka tarjumaysa jihada iyo himilada qaranka. Waa baaq ku wajahan muwaadiniinta, siyaasiyiinta, iyo dhammaan qaybaha bulshada, taas oo iftiiminaysa in nabaddu aanay ahayn doorasho ama ikhtiyaar, balse ay tahay waajib qaran oo mudan in la dhowro.
Somaliland waxay leedahay taariikh dheer oo ku suntan dib-u-heshiisiin, wada-hadal, iyo isu tanaasul, kuwaas oo noqday tiirarka ugu muhiimsan ee xasilloonida iyo nabadgelyada ay maanta Jamhuuriyadda Somaliland ku faanto. Guulahaas laguma gaadhin si sahlan, balse waxay ka dhasheen go’aan adag oo lagu doortay nabad halkii colaadda laga dooran lahaa. Sidaa darteed, hadalkani waxa uu sii xoojinayaa dhaxalkaas, isagoo caddeynaya in xukuumaddu ay weli u taagan tahay ilaalinta iyo horumarinta xasilloonida. Fariintaasi waxay si qoto dheer u muujinaysaa go’aan qaadashada adag ee xukuumadda ee la xidhiidha ilaalinta nabadgelyada, taas oo ah tiirka ugu muhiimsan ee Somaliland ku faanto.
Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee ah, “Ka dawlad ahaan waanu ku dadaalaynaa Nabadda meeshay doonto ha nala gashee,” wuxuu muujinayaa dulqaad siyaasadeed iyo furfurnaan cad, taasoo tilmaamaysa in xukuumaddu diyaar u tahay wada-hadal dhab ah iyo wada-xaajood, isla markaana ay ka go’an tahay in arrimaha taagan lagu xalliyo miiska dushiisa, xitaa marka xaaladuhu adag yihiin. Fariintani waa mid si xooggan u dhiirrigelinaysa dhaqanka wada-hadallada, iyadoo meesha ka saaraysa ku tiirsanaanta xoog iyo kala fogaanshaha.
Si kastaba ha ahaatee, nabaddu maaha masuuliyad ku kooban xukuumadda oo keliya. Balse waa waajib wadajir ah oo saaran dhammaan qaybaha bulshada, culimada diinta, odayaasha dhaqanka, ganacsatadda, dhalinyarada, iyo haweenka. Qof kasta oo muwaadin ah oo ka tirsan bulshada Somaliland waa inuu dareemaa waajibaadkiisa qaran iyo doorkiisa ku aaddan ilaalinta midnimada, wadajirka, iyo xasilloonida dalka, isagoo sidoo kalena kaalintiisa ka qaadanaya ka hortagga wax kasta oo wiiqi kara nabadgelyada.
Gunaanadkii, hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waa xasuusin muhiim ah: “Nabaddu maaha kaliya hadal lagu faano, balse waa ficil joogto ah oo u baahan ilaalin iyo horumarin. Sidaa darteed, si loo sii xoojiyo horumarka iyo xasilloonida Somaliland, waa in dhammaan qaybaha bulshadu ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabadda, iyadoon loo eegin duruufaha ama caqabadaha iman kara. “Nabaddu waa halbowlaha qaranka; haddii la ilaaliyo, waa suurtagal in la gaadho horumar kasta.”





















