Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Hay’adda Cilmi-baadhista iyo Daaraasaadka ee Horn Review ayaa magacaabista safiirka Israa’iil ee Somaliland, Michael Lotem, ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah oo xaqiijinaysa istaraatiijiyad muhiim ah. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in magacaabistaani ay saamayn ballaadhan ku yeelan doonto siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka. Tani waxay ka dhalatay go’aankii Israa’iil ee bishii Diseembar 2025, marka ay qaaday talaabo siyaasadeed oo weyn oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Horn Review ayaa sidoo kale tallaabadan ku tilmaantay mid muhiimad weyn u leh Somaliland, maadaama aqoonsigu abuuray fursado istaraatiijiyadeed iyo sharciyad-diblomaasiyadeed. Isla markaana, magacaabista Michael Lotem ay fursadihii hore u jiray u beddelayso ficil iyo hawlgal dhab ah. Hay’addu waxay sidoo kale xustay arrintaasi ay ka dhigan tahay in Israa’iil aanay kaliya aqoonsanayn jiritaanka Somaliland, balse ay u aragto Somaliland sidii lamaane xasiloon oo ay wadaagaan iskaashi iyo istaraatiijiyad ballaadhan.
Warbixinta Hay’adda Cilmi-baadhista iyo Daaraasaadka ee Horn Review waxay intaasi raacisay “Lotem waa doorasho istaraatiijiyadeed oo ku habboon hawshan, maadaama xirfaddiisu ay si joogto ah ugu shaqeysay in arrimaha diblomaasiyadda loogu beddelo maamul dhab ah. Michael Lotem waa safiir Israa’iil ee Somaliland, waxaana uu leeyahay taariikh diblomaasiyadeed oo qoto dheer, isagoo ka soo shaqeeyay dalal muhiim ah oo ku yaal Asia iyo Afrika. Waxa uu ka mid yahay safiirrada Israa’iil ee sida gaarka ah ugu diyaarsan fulinta istaraatiijiyado dublamaasiyadeed oo adag”.
Dhinaca kale, warbixin cusub oo ay baahisay AfriNews 24 ayaa muujisay in Somaliland ay heshay fursad istaraatiiji ah kadib markii Israa’iil ay Michael Lotem u magacawday safiirkeeda Hargeysa. Sida warbixintu tilmaantay, Lotem waa diblomaasi khibrad sare leh, oo door muhiim ah ka qaadan kara xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga labada dal. Sidoo kale waxay iftiimisay isbeddelka weyn ee siyaasadeed ee ka dhacaya Geeska Afrika, gaar ahaan saamaynta xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil.
Warbixintu waxay si gaar ah u xusay magacaabista Ambassador Michael Lotem oo noqday safiirkii ugu horeeya ee Israa’iil u jooga Somaliland, taas oo ah tallaabo ka dhalatay aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland ee Israa’iil. Warbixintu waxay tilmaantay in tallaabadani ay astaan u tahay isbeddel ku yimid xaaladda juquraafi-siyaasadeed iyo dheeli-tirka awoodda ee gobolka, iyadoo Somaliland si tartiib tartiib ah uga soo dhex-muuqanayso masraxa siyaasadeed ee caalamiga ah.
AfriNews 24 waxay sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in magacaabista Michael Lotem, oo ah diblomaasi khibrad badan, ay tahay calaamad muujinaysa in Israa’iil ay u aragto Somaliland sidii garab muhiim ah iyo saaxiib lagu kalsoonaan karo oo u qalma iskaashi iyo xidhiidh istaraatiijiyadeed oo ballaadhan. Warbixintu waxay xustay in Michael Lotem uu leeyahay khibrad ballaadhan oo Afrika ah, isla markaana uu door weyn ka qaadan karo xoojinta xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Somaliland.
Warbixinta AfriNews 24 ayaa lagu xusay “Michael Lotem wuxuu leeyahay khibrad ballaaran oo Afrika ah, wuxuuna ahaa Safiirka Wareega ee Dhaqaalaha ee Israa’iil ee Afrika, taas oo ka dhigan in uu yahay qof si fudud u dhex geli kara xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee gobolka. Waxa uu xidhiidh iyo falgal la samayn karaa mashaariicda muhiimka ah ee Somaliland sida biyaha, amniga badda, iyo teknolojiyadda.”
Idaacadda BBC ayaa dhankeeda sheegtay in iskaashiga iyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil uu si xawli ah u xoogaysanayo tan iyo bishii Diseembar 2025. Isla markaana magacaabista safiirka Israa’iil ee Somaliland Mr. Michael Lotem ay tahay talaabadii ugu dambeysay ee Israa’iil ay ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Somaliland, kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland December 2025.




















