“Somaliland Horumar Ayay ku Talaabsanaysaa Maalin ba Maalinta Ka Dambaysa”

0
130

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland, ayaa si weyn u qiimeeyey xaaladda ay Somaliland marayso. Mudane Cabdiraxmaan waxa uu tilmaamay in maanta Somaliland marayso marxalad heerkeedu aad u sarreeyo marka la barbar dhigo marxaladihii iyo duruufihii laga soo gudbay, isaga oo xusay in ay horumar weyn samaynayso oo maalinba maalinta ka dambaysa wax weyni u kordhayaan Somaliland.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami, oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Dawan, ayaa sheegay in dhismaha Somaliland uu ka soo bilaabmay meel aad u hooseysa oo aanay ka jirin wax nolol ah. Waxa uu yidhi: “Somaliland hadda dhowaan waxa loo dabaal-degayaa sannad-guuradii 35aad. Waxa aynu ognahay halkii laga bilaabay; dukumentiyo badan baa laga sameeyey. Waxay ahayd meel baaba’ ah, oo aan aqal ka dhisnayn, oo aan hay’ado dawladdeed ka jirin, nololna aanay ka jirin, iskuul ma jirin, caafimaad ma jirin, halkaas ayaynu horta ka soo bilownay.”

Siyaasi Cadami oo hadalkiisa sii wata, ayaa muujiyey inay cajiibtahay in wadan sidaas u burburay uu hadanna sidaas fudud ugu dhismo muddo intaas leeg maadaama ay adag tahay in dib loo dhiso wadan burburay.  Waxaanu yidhi “Muddadu waa muddo dheer waa la odhan karaa, laakiin haddana dad iyo dal way ku yar tahay in lagu dhiso muddada intaa leeg, Sababta oo ah dawladnimada iyo nidaamka maalmo iyo toddobaadyo ayaa lagu dumin karaa, laakiin dhismahu wuxuu qaadan karaa muddo dheer”, ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami.

Sidoo kale, Siyaasi Cadami waxa uu tilmaamay duruufihii kala duwanaa iyo wakhtigii adkaa ee Somaliland ay soo martay iyo caqabadihii ku lammaanaa dhismaha dawladnimadeeda ee ay ka soo gudubtay, isaga oo yidhi: “Muddadaa dheer way rafanaysay; duruufo badan baa ku soo dhacay. Mararka qaar dagaallo iyo iska horimaadyo ayaa dhici jiray, mararka qaarkood abaaro ayaa ku dhici jiray. Marar kale, dawlado naga xoog roon ayaa nala dagaallamay oo ka soo horjeeday madax-bannaanideenna. Dhaqaalaheedu aad buu u koobnaa. Sidaa darteed marka la qiimeeyo sida loogga soo dabbaashay iyo sida ay uga soo gudubtay iyo halka maanta la soo gaadhay, farqigu waa mid aad u weyn oo cirka iyo dhulka ayay isu jiraan”

Ugu dambayn, wuxuu carabka ku adkeeyay in Somaliland ay maanta marayso meel aad u saarraysa oo ay maalin ba maalintaka dambaysa ka sii wanaagsanaanayso, waxaana uu yidhi: “Dad baa ku doodi kara hadaynnu dedaalka intaa ka sii badino, halkaynnu maanta joogno malaha waynu ka dheerayn lahayn, laakiin si kasta ba ha ahaatee maalin ba maalinta ka dambaysa, sannad ba sannadka ka dambeeya Somaliland wax baa u kordhaayey”.