Sheekada Ian Smith: TikToker 81-jir ah oo Noqday Xiddig Caalami ah

0
113

Ian Smith oo 81 jir ah, kana soo jeeda miyiga United Kingdom, ayaa si lama filaan ah ugu noqday xiddig baraha bulshada, gaar ahaan TikTok. Waxa uu hadda leeyahay malaayiin taageerayaal ah oo si joogto ah ula socda talooyinka nololeed iyo fariimaha dhiirigelinta ah ee uu soo dhigo.

Smith wuxuu markii hore u soo galay TikTok si uu u xayeysiiyo buug sheeko ah oo uu isagu iskiis u daabacay, kaddib markii uu waayay fursado uu ku helo madbacado. Inkasta oo uu u diray boqollaal madbacado, wuxuu helay jawaabo aad u yar, taasoo ku kalliftay inuu isku dayo waddo cusub.

Xaaskiisa ayaa ku dhiirrigelisay inuu baraha bulshada galo, inkasta oo ay markii hore kaftan ahaan ugu sheegtay in aanu heli doonin xitaa 100 taageerayaal ah. Si kastaba, Smith ayaa si kalsooni leh uga jawaabay, isaga oo yidhi: โ€œWaan ku tusi doonaa.โ€

Muddo yar gudaheed, dadaalkiisa ayaa miro dhalay, waxaana uu gaadhay in ka badan 1.5 milyan oo taageerayaal ah. Waxa uu maalintii laba jeer soo duubaa muuqaallo uu ku wadaago talooyin nololeed, khibrad 80 sano ah, iyo fariimo dhiirigelin leh oo dad badan soo jiitay.

Ka hor intii aanu gelin dunida TikTok, Smith wuxuu ahaa dhakhtar ilko ah oo shaqeynayay in ka badan 50 sano, wuxuuna hawlgab noqday 2022. Kadib hawlgabka, wuxuu bilaabay qorista buug, inkasta oo uu markii hore la kulmay diidmo badan. Muuqaaladiisa ayaa gaadhay malaayiin daawasho ah, iyadoo mid ka mid ah uu helay in ka badan 59 milyan oo views. Taageerayaashiisa badankood waa dhalinyaro, taasoo ka dhigaysa sheekadiisa mid isku xidhaysa jiilal kala duwan.

Smith wuxuu sheegay inuu la yaabay sida uu u gaadhay dad caalami ah, isagoo tilmaamay in dadka ka daawada tooskiisa ay ka yimaadaan dalal kala duwan oo adduunka ah. Wuxuu ku tilmaamay waayo-aragnimadaas mid โ€œhoosaysiin iyo yaab lehโ€ isla markaana dhiirigelin u ah. Sheekada Ian Smith waxay caddeyn u tahay in daโ€™da aanay xadayn karin guusha, gaar ahaan xilligaan baraha bulshada iyo hal-abuurka dijitaalka ah.