Inkasta oo Donald Trump uu sheegay in heshiis taariikhi ah oo lala gaadh doono Iran uu dhow yahay, haddana tallaabadii ugu dambeysay ee Tehran ayaa muujinaysa sawir ka duwan warka Trump. Go’aanka Iiraan ee mar kale lagu xidhay Strait of Hormuz ayaa shaki weyn gelinaya suurtagalnimada heshiis degdeg ah. Tallaabadan ayaa muujinaysa in weli ay jirto kala fogaansho siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac, inkasta oo ay jiraan hadallo diblomaasiyadeed oo soconaya.
Wararka ka imanaya Tehran waxay tilmaamayaan in marinka si buuxda dib loogu soo celiyay gacanta ciidamada Iiraan, taasoo si toos ah uga hor imanaysa hadalladii ka soo yeeray Washington ee ahaa in marinku furnaa. Ilaa hadda, wax jawaab rasmi ah kama iman United States, balse waxaa la filayaa falcelin dhow.
Inkasta oo xiisaddu muuqato, haddana lama diidi karo suurtagalnimada in wada-xaajoodyo qarsoon ay socdaan. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in rajo laga qabo wareeg labaad oo wadahadallo ah, kaddib kulan hore oo ka dhacay Pakistan toddobaadkii hore, kaas oo ku dhammaaday natiijo la’aan. Si kastaba ha ahaatee, ficillada dhabta ah ee ka socda dhulka ayaa muujinaya in kalsoonidii labada dhinac ay weli hooseyso.
Strait of Hormuz waa marin-biyood aad u muhiim ah oo isku xidha Gacanka Faaris iyo Badda Carabta. Waqooyigiisa waxaa ka xiga Iiraan, halka koonfurna ay ka xigaan Oman iyo United Arab Emirates. Marinkan oo aad u ciriiri ah ayaa haddana ah halbowlaha ganacsiga tamarta adduunka: Qiyaastii 20 milyan oo foosto oo saliid ah maalintii ayaa mara. Ku dhowaad $600 bilyan oo ganacsi tamareed sanadkii. Qiyaastii 20% gaaska dabiiciga ah (LNG) ee adduunka ayaa halkaas mara.
Dalalka sida Qatar, Saudi Arabia, Iraq, Kuwait iyo United Arab Emirates ayaa si weyn ugu tiirsan marinkan si ay u dhoofiyaan shidaalka iyo gaaska. Sidoo kale, marinkan wuxuu muhiim u yahay dhoofinta bacrimiyeyaasha iyo soo dejinta badeecooyin muhiim ah sida cunto, dawooyin iyo qalab tiknoolaji ah. Guntii iyo gababadii, inkasta oo hadallada ka imanaya Donald Trump ay muujinayaan rajo heshiis, haddana tallaabooyinka ay qaaday Iran waxay caddeynayaan in xaaladdu weli tahay mid kacsan. Xiisadda ka taagan Strait of Hormuz ayaa sii ahaanaysa khatar weyn oo saameyn karta ganacsiga iyo amniga tamarta caalamka.





















