Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Eng. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta magaalada Berbera, isagoo ku tilmaamay inay tahay magaalada keentay ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aanay habboonayn in lagu sameeyo waxyaabo aan u qalmin. Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo doonaysa in ay waxyeelo u geysato ama xumayso sumcadda magaaladda.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay kulan isaga iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil ay la qaateen Shirkadda Korontada ee magaaladda Berbera iyo Komishanka Tamarta iyo maamulka degmada, kuwalkaasi oo si weyn loogaga wada hadlay xaaladda Laydhka magaalada Berbera oo ay bulshadu ka cawdeen.
“Berbera waa Magaaladii Ictiraafka Somaliland keenta, wax aanu u Qalmina in aynu ku samaynana ma Qurux badna”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Cabdiqani Fariid. Wuxuu sidoo kale xusay in aan loo baahnayn in meel looga soo wada jeesto dadka gaarka ah ee doonaya in ay xumeeyaan magaca iyo sucmadda magaalada Berbera, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ku hawlan yihiin in ay xaaladda magaalada ka faafiyaan warar been abuur ah oo aan sal iyo raadin lahayn.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in bulshada Berbera ay tahay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta sumcadda magaalada, isla markaana ay ka fogaadaan dhibaatooyinka sumcadda wax u dhimaya. Digniintan ayaa ka mid ahayd dadaallada maamulka gobolka Saaxil ee lagu doonayo in lagu ilaaliyo magaca iyo sharafta magaalada Berbera, taas oo muhiim u ah dhanka ictiraafka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland.
Magaalada Berbera waxay ka mid tahay goobaha ugu muhiimsan ee Somaliland, iyadoo si weyn uga qeyb qaadata ictiraafka iyo xidhiidhada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas darteed, ilaalinta sumcadda iyo sharafta magaalada waa mas’uuliyad aan kaliya saarnayn maamulka gobolka, balse waa masuuliyad wadajir ah oo sidoo kale saaran bulshada guud ahaan. Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Eng. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa si fiican u muujiyay muhiimadda arrintan, isagoo digniin u diray dadka faafinaya wararka khaldan ama buunbuuniya xaaladaha magaalada, kuwaas oo wax u dhimaya magaca Berbera.




















