“Berbera Ma Jirto Meel Biyo La’aan ah Si Joogto ah Ayayna u Socdaan!”

0
92

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera, Khadar Cali Cilmi, ayaa sheegay in magaalada Berbera aanay ka jirin biyo la’aan guud, inkasta oo baahida biyuhu ay sii kordhayso. Maareeye Khadar Cali Cilmi oo hadalkan ka jeediyay kulan uu la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, ayaa xusay in biyaha magaaladu ay si joogto ah u socdaan, isla markaana aanay jirin meel magaalada ka mid ah oo biyo la’aani ka jirto. Wuxuu beeniyay warar sheegayay in Berbera ay dhowr maalmood biyo la’aan ahayd.

“Shalay waxa jiray dhawr qof oo hadlay oo lahaa magaaladu dhawr cisho biyo may helin, saaak aniga iyo maareeye ku-xigeenka iyo agaasimuhu waxaanu soo marnay qaybaha magaalada, mana jirto meel biyo la’aan ah, biyuhu si joogto ah ayay u socdaan. Sidoo kale waxanu u baahanay in nalaga taageero ceelal badan in la qodo”

Dhanka kale, wuxuu qiray in biyuhu ay kooban yihiin marka loo eego baahida sii kordhaysa, isagoo sabab uga dhigay horumarka warshadaha ee magaalada. Wuxuu sheegay in shan sano ka hor aanay Berbera ka jirin warshado badan, balse hadda ay kordheen warshadaha ka hanoqaaday maaalada Berbera, taas oo sare u qaaday isticmaalka biyaha.

“Berbera, biyuhu waa u muhiim, magaaladuna waxay u baahan tahay ceelal badan in la qodo oo la keeno mashiino cusub, laakiin haddana waxaan ku dadaalnay in aanay magaaladu biyo waayin. Shan sano ka hor Warshaddo badan magaalada kamay jirin, taas ayaa sababaysa in magaalada biyo badan la isticmaalo, hadda cillad jirtaa ma jirto biyuhu se way yar yihiin” Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera, Khadar CAli Cilmi ayaa sidan ku sheeay kullan uu shalay la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.