Mr.Nayef waa maamule ku xigeenka shirkad Teknoolajiyadda ka shaqeysa. Shirkadu waxa ay ku shaqaysaa hanti aan ka yareyn Hal-bilyan oo dolar. Waxa uu si fudud horumar uga sameeyay shaqadiisa wakhtiyadii hore. dadku aad ayay u jeclaayeen, laakiin waxa uu dhageystay weedho maskaxdiisa aaminsan tahay oo ah “ in aanu ahayn qof wanaagsan, shaqadan aanu ahayn qof u qalma”.
Nayef waxa uu gaadhey heer go’aannadii gacansiga ahaa ee si fudud uu ku gaadhi jiray ay ku adkaadaan, kalsoonidii uu naftiisa ku qabayna ay yaraato. Fikradaha khaldan waxay burburiyaan horumarka qofka iyo kan guud labadaba.






















