Welwelka Iyo Dareenka Ubadka
Daraasad cusub ayaa muujisay in khilaafka labada waalid ee joogtada ah uu caruurta ku keeno faham xumo iyo niyadjab. Cilmi baadhistu waxay intaa ku dartay in caruurta khajilaadda badan ay si gaar ah u saameyso murannada waalidka.
Mudadii daraasadda socotay waxa lala kulmay 99-caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 11-sano jir, taasi oo muujisay in caruurta dagaalka labadooda badan yahay ay ku adkaato inay fahmaan dareenka dadka kale, halka caruurta ku dhaqan guryaha xasilloon ay si wanaagsan u fahmaan dareenka dadka kale.
Professor Alice Schermerhorn oo ka tirsan Jaamacadda Vermont ee dalka Maraykank, oo hoggaaminaysay daraasaddan ayaa sheegtay in natiijooyinkan soo baxay ay si cad u muujinayaan muranka joogtada ah ee labada waalid in ay burburineyso caafimaadka maskaxda ee caruurta. Waxa kale warbixintu muujisay in xitaa isku dhaca yar ee caadiga ah aanu u wanaagsanayn ubadka iyadoo u horseeda iin caruurta ay ka dhigto kuwo belaayo sugayaal ah oo wanaagba aan filanayn.
Daraasadda Alice C. Schermerhorn waxay caddeyneysaa, in Muranka waalidka, uu si toos ah u saameeyo maskaxda iyo dareenka carruurta.
Ubadku waxa ay noqdaan kuwo feejigan, walwal badan, oo si khaldan u fahma xaaladaha bulshada.






















