Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkiisa ku aaddan koobka Adduunka ee 2026-ka, xilli uu ka hadlayay xafladda abaalmarinta Laureus.
“Aad baan u faraxsanahay. Tan iyo markii aan yaraa, waxaan ku riyoon jiray inaan ka qayb galo koobka Adduunka, inaan hooyaday ku arko tarabuunka, iyo inaan matalo xulka qarankayga… labadan bilood ee soo socda waxay iila muuqdaan kuwo aad u gaaban, dabcan waxaan rajaynayaa inaan noqono horyaalka,” ayuu yidhi xiddigan hibada gaarka ah leh.
Yamal ayaa door muhiim ah ka qaatay guushii xulka Spain ee koobka Euro 2024, wuxuuna hadda higsanayaa inuu saameyn la mid ah ku yeesho koobka Adduunka ee foodda nagu soo hayo.
Xiddigan ayaa ku jira qaab-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli-ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 23 gool, caawiyayna 18 kale tartammada oo dhan, taas oo war farxad leh u ah taageerayaasha xulka La Roja.




















