Sida uu Tirmidhi ku soo saaray sunnankiisa, Cabdu-Raxmaan ibnu Abii Bakarah Illaahay raali ha ka ahaadee, ayaa wariyey, n nin u yimid Nebiga (NNKH) oo weydiiyay: “Rasuulkii Allow, yaa dadka ugu fiican?” Nebigu wuxuu ku jawaabay: “Qofka cimrigiisu dheeraaday camalkiisuna wanaagsan yahay.” Markaas ayaa nin kale weydiiyay: “Oo yaa dadka ugu xun?” Nebigu wuxuu ku jawaabay: “Qofka cimrigiisu dheeraaday camalkiisuna xun yahay.”
Cimriga dheer, oo ay weheliso camal wanaagsan, waa calaamad muujinaysa farxadda iyo horumarka Aadanaha. Qofka mu’minka ah, ee cimrigiisu dheer yahay wuxuu u kordhiyaa wanaaggiisa, cimriga dheeri mu’minka wuxuu haleelsiiyaa in uu ka toobad keeno khaladaadkii iyo dembiyadii ka dhacay, sidoo kale wuxuu kordhinayaa cibaadadiisa iyo camalkiisa wanaagsan, waxaana uu noqonayaa mid caqli badan, aqoon badan, isla markaaana dareen leh. Sidaas darteed, maalmaha, sannadaha iyo waqtigu waxay kordhiyaan wanaagga addoonka xaqa ah ee mu’minka ah, marka uu ogolaado inuu raaco jidka Illaaha Qaadirka ah iyo sunnaha Nabigeenna Suuban (NNKH).
Imaam Axmad ayaa ka wariyey hadalkan Abu Hurayrah (Ilaahay ha ka raalli noqdee), isagoo yidhi “Laba nin ayaa Islaamay. Iyaga oo la socda Nabigeena, Maxamamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee, mid ka mid ah labadii nin ayaa shahiiday, kan kalena wuxuu sii noolaa sannad ka dib. Talhah ibnu Cubaydullah ayaa sheegay: “Waxaa la i tusay kii ka danbeeyey ee sanad ka dib dhintay oo jannadii ka hor galay kii shahiidka ahaa, waan la yaabay taas.” Markaas ayuu subaxdii u sheegay Rasuulka Alle. Rasuulka Alle wuxuu yidhi: “Waa sidaa, Miyaanu sannad ka dambayn, miyaanu soomin Ramadaan shahiidka ka dib? oo aanu tukanin lix kun oo rakcadood, ama ka badan! Yacnii salaad iyo acmaal sannad ah.” Xadiiskan waxaa xaqiijiyay Al-Albani.
Sannadaha, bilaha, maalmaha, iyo saacaduhu waa raasamaalka qofka. Qofka nasiibka leh waa qofka ku qabta acmaal wanaagas oo uu ALLE ku addeeco oo ku mashquula raalli gelinta Rabbiga, halka kan liita uu yahay kan khasaariya. Ibnu Al-Qayyim (Ilaahay ha u naxariisto) wuxuu yidhi: “Sannadku waa geed, biluhu waa faracii, maalmuhuna waa laamihiisa, saacaduhuna waa caleentiisa, neefsashaduna waa midhihiisa. Qofkii neefsashadiisa ku bixiya addeecid, midhaha geedkiisu waa macaan. Qofkii neefsashadiisa ku bixiya caasinimo, midhaha geedkiisu waa qadhaadh. Goosashadu waxay noqon doontaa oo keliya Maalinta Qiyaamaha. Goosashada, midhaha macaan waxaa laga sooci doonaa kuwa qadhaadh.”
Dhererka ama gaabnaanta noloshu kuma jirto gacanta qofka. Qofku wuu hagaajin karaa camalkiisa sababta oo ah Illaahay wuxuu siiyay caqli, wuxuu u soo dejiyey kutub, wuxuu soo diray rasuullo, wuxuuna u kala caddeeyay xaqa iyo baadilka, wuxuu u iftiimiyay labada jid ka saxda ah iyo ka weecsan. Sidaa darteed, qof kastaa wuxuu awood u leeyahay inuu sameeyo camal wanaagsan. Nebigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu inoo sheegay in qaar ka mid ah camalka wanaagsan ay sabab u yihiin cimriga dheer, sida ilaalinta xidhiidhka qaraabada. Sida lagu soo wariyay kitaabka saxiixa Bukhaari iyo Muslim: “Qofkii jecel in risqigiisu kordho oo cimrigiisu dheeraado, ha ilaaliyo xidhiidhka qaraabada.”
Haddii dadka ugu wanaagsani ay yihiin kuwa cimri dheer ku nool oo sameeya camal wanaagsan, markaas qofku waa inuu had iyo jeer Ilaahay weydiisto inuu ka dhigo mid ka mid ah kuwa cimri dheer ee lagu hanuuniyay camal wanaagsan. Waxa nasiib daran qof Ilaahay cimrigiisa dheereeyay, oo aan Ilaahay ugu mahadceli nimcadiisa weyn, kana baryin inuu Ilaahay ku hannuuniyo camal wanaagsan isla markaana aan faa’iidaysan. Waad toobad keen kartaa ka hor intay goori goor tahay, waayo albaabada
Haddii dadka ugu wanaagsani ay yihiin kuwa cimri dheer ku nool oo sameeya camal wanaagsan, markaas qofku waa inuu had iyo jeer Ilaahay weydiisto inuu ka dhigo mid ka mid ah kuwa cimri dheer ee lagu hanuuniyay camal wanaagsan. Waxa nasiib daran qofka Illaahay cimrigiisa dheereeyay, oo aan Illaahay ugu mahadcelin nimcadiisa weyn, kana baryin inuu Illaahay ku hanuuniyo camal wanaagsan isla markaana aan ka faa’iidaysan. Waad toobad keeni kartaa ka hor inta ay goori goor tahay, sababta oo ah albaabada toobada ILLAAHAY mar kasta waxay u furan yihiin kuwa toobad keena.
Faa’iidooyinka iyo casharrada aan ka qaadanno dhaqanka Nabigeena suuban (NNKH) waxaa ka mid ahaa: Ku sugnaanshaha Axdiga aynu la galnay Ilaahay iyo ku asugnaanshaha iimaankeena. Haddii cimriga laguu dheereeyay waa laguu cudurdaar dhameeyey, kordhi addeeciddaada iyo u dhowaanshaha Ilaahay, aad ugu dhowaanayso camal wanaagsan. Tusaale ahaan, Imaam al-Shaafici (Ilaahay ha u naxariisto) wuxuu noolaa qiyaastii wax ka yar konton sanno, haddana magaciisu carabka qof kasta oo Muslim ah wuu ka soo baxayaa. Aqoontiisu waxay buuxisay meel kasta, wuxuuna ka tagay calaamad aan la tirtiri karin.
Imisa qof oo cimri dheer noolaa in ka badan boqol sanno, haddana aan laga aqoon dadka dhexdooda sababta oo ah ma haystaan camal wanaagsan oo lagu ammaano? Qofka caqliga leh waa kan is-xisaabiya oo u shaqeeya Aakhiro, halka qofka caajiska ahi uu yahay kan raaca rabitaankiisa. Ogow in noloshaada la dheereyn karo adiga oo nool muddo gaaban. Abu Hurayrah wuxuu Rasuulkii Alle ka wariyey inuu yidhi, “Marka qof dhinto, dhammaan camalkiisu wuu joogsadaan marka laga reebo saddex arrin: sadaqo joogto ah (Camal-jaariya), cilmi faa’iido leh iyo ilmo wanaagsan oo u soo duceeya.” Sidoo kale ogow ilaa Maalinta Qiyaamaha.
Gunaanad:
Cimriga dheer ee qofka waa fursad uu ku horumarin karo camalkiisa wanaagsan iyo u dhawaansha Ilaahay. Waxa ugu muhiimsan ee laga faa’iidaysto cimriga dheer waa sida qofku ugu shaqeyn karo Aakhiro, iyadoo ay muhiim tahay in la raaco jidka xaqa, la tukanayo, la caabudo, lana raadsado raalli ahaanshaha Ilaahay. Sida Nebiga (NNKH) uu sheegay, cimri dheer oo la socda camal wanaagsan waa calaamad muujinaysa farxad iyo horumar. Waxaana qofka nasiibka leh ah kuwa isticmaala waqtigooda si wanaagsan, sida Ilaahay ugu dhowaanaya, oo ka faa’iideysta fursad kasta oo ku saabsan toobad keenista, sadaqada, iyo aqoonta.





















