Manchester United Oo War Farxad Leh Ka Heshay Xaaladda Cunha Iyo Yoro Ka Hor Kulanka Brentford

0
116

Cunha iyo Yoro ayaa la filayaa inay taam u noqdaan kulanka Manchester United ay la ciyaari doonto kooxda Brentford 27-ka Abriil, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay ka soo kabanayaan dhaawacyo fudud.

Cunha ayaa laga saaray garoonka daqiiqaddii 81-aad ee kulankii Chelsea ka dib markii uu dareemay xanuun dhanka gumaarka ah, halka Yoro uu dhaawac yar ku soo gaadhay tababarkii ka horreeyay ciyaartii Stamford Bridge.

Sida ay sheegtay shabakadda ESPN, maamulka United ayaa rajo weyn ka qaba inay labadan ciyaaryahan soo laabtaan, maadaama uu jiro nasasho sagaal casho ah oo u dhaxaysa labada kulan, taas oo muhiim u ah soo kabsashadooda.

Soo laabashada labadan xiddig ayaa muhiimad weyn u leh kooxda; Cunha ayaa xilli-ciyaareedkan ahaa dookh muhiim ah oo dhanka weerarka ah, halka Yoro uu xoojin doono daafaca xilli ay ganaax ku maqan yihiin Harry Maguire iyo Lisandro Martinez.

Ka qayb galka labadan xiddig ee kulanka Brentford ayaa fure u noqon doona dadaalka United ee ku aaddan hagaajinta booskooda horyaalka dhamaadka xilli-ciyaareedka.