Halyeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa farta ku fiiqay khaladaad uu aaminsan yahay in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu galay intii ay socotay ciyaartii ay 2-1 guuldarrada kala kulmeen Manchester City maalintii Axadda.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Good, The Bad & The Football podcast, Scholes ayaa sheegay in Arteta uu beddelay xeeladdiisii ciyaareed, isagoo markan soo qaatay saf aad u weerar badan, taas oo uu u arkay mid khatar horseedday.
“Waxaan u malaynayaa in Arteta uu wax yar beddelay; ma ahan wax sahlan in la beddelo qaab aad muddo ku socotay. Si lama filaan ah ayuu ugu ciyaaray koox aad u weerar badan,” ayuu yidhi Scholes. Wuxuu raaciyay in haddii uu tababaruhu rabay inuu dhab ahaan gool raadiyo, ay ahayd inuu garoonka ka saaro mid ka mid ah khadka dhexe ee daafaca sida Declan Rice ama Martin Zubimendi si uu weerarka u sii xoojiyo.
Khaladka labaad ee uu Scholes tilmaamay ayaa ahaa beddelkii Eberechi Eze, kaas oo uu u arkayay inuu saameyn weyn ku lahaa ciyaarta. “Markaad ciyaarta eegayso, waxaad arkaysaa in Eze uu si fiican u ciyaarayo, saameyn weynna uu ku leeyahay. Waxaan u malaynayaa in ciyaartoyda kale ay la yaabeen go’aankii garoonka looga saaray,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Scholes.
Guuldarradan ayaa Arsenal ka dhigtay inay lumin karaan hoggaanka horyaalka haddii Manchester City ay guul ka gaadho kulanka baaqiga u ah ee ay la ciyaarayaan Burnley bartamaha wiigan.




















