Qoddobada Lagaga Hadlay Fadhiga 61aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL

0
120

Hargeysa (Dawan) Fadhigii 61-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa shalay ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kulankaasi oo warbixino mug iyo miisaan leh lagaga dhagaystay xubno ka mid ah golaha Wasiirrada.

Fadhigan ayaa lagu soo bandhigay qodobbada muhiimka ah ee la xidhiidha Xaaladda Guud ee Amniga Dalka, horumarka dalka, dhaqaalaha, caafimaadka, saameynta dagaalka Bariga Dhexe, hirgelinta Aagga Warshadaha ee Gobollada Awdal iyo Gabiley, tirakoobka dadweynaha, xaaladda korontada, iyo nabadaynta beelaha Awdal iyo Selel. Qodobbadan ayaa si weyn u muujinaya dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha, caafimaadka, iyo horumarinta warshadaha, iyadoo sidoo kale la tixgelinayo xaaladaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee saameynaya dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda amniga dalka, isagoo sheegay in ammaanka guud ee dalku uu sugan yahay, isla markaana la xoojiyey nabadda Gobollada Awdal iyo Selel. Wasiirka Ganacsiga, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa isaguna ka warbixiyey saameynta dagaalka Bariga Dhexe, isagoo sheegay in qiimaha shidaalka iyo sicirka maciishadda ay kordheen, laakiin dalka uu leeyahay kayd ku filan oo raashin iyo shidaal ah.

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaadka dalka, isagoo sheegay in xanuunnada jadeecada iyo shuban-ka ay ka dillaaceen qaar ka mid ah Gobollada dalka, taasoo Wasaaraddu ka qaadday tallaabooyin muhiim ah. Wasiirka Horumarinta Maalgashiga, Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale, ayaa la wadaagay qorshayaasha lagu hirgelinayo Aagga Warshadaha ee Gobollada Awdal iyo Gabiley, kaasoo dhiirrigelin doona maalgashiga iyo kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha. Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, Wasiirka Qorshaynta, ayaa sidoo kale soo bandhigtay muhiimadda tirakoobka saxda ah ee dadweynaha dalka, taasoo gacan ka geysan doonta qorsheynta horumarka iyo adeegyada bulshada. Ugu dambeyn, Wasiirka Tamarta, Mudane Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in kor u kaca qiimaha shidaalka uu saameyn ku yeeshay kharashka korontada, isla markaana Wasaaraddu ay dadaallo ka wado sidii loo xasiliyo qiimaha korontada.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sidoo kale ka warbixiyey dadaallada nabadaynta ee Gobollada Awdal iyo Selel, oo muddo 20 cisho ah uu safar shaqo ugu maqnaa, taasoo keentay xasillooni iyo is-afgarad. Fadhigan ayaa si guud uga hadlay horumarka iyo dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan amniga, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo horumarka dalka.