Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Qaddiyadda aqoonsi raadintaa Jamhuuriyadda Somaliland kuma koobna miisaska diblomaasiyadda iyo kulamada siyaasadeed oo keliya; waa halgan istaraatiiji ah oo si joogto ah uga socda Warbaahinta qaranka JSL oo hormuud u ah gudbinta xaqiiqada jiritaanka Somaliland, iyadoo door muuqda ka qaadata faafinta xogaha, difaaca, ilaalinta iyo horumarinta sawirka qaranimada si dunida loogu muujiyo xaqiiqada Somaliland.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa laf-dhabar u ah dadaalladaas, iyada oo noqotay codka ugu weyn ee iftiimiya xaqiiqada qarannimada Somaliland, Wasaaradda Warfaafintu waa halbowlaha ugu weyn ee xoojinta sumcadda caalamiga ah, difaaca iyo ilaalinta qarannimada. Doorkeeda istaraatiijiga ahi ayaa saldhig u yahay fahamka sii kordhaya ee waddamada adduunka, gaar ahaan garawshaha beesha caalamka ee dimuqraadiyadda xorta ah iyo bisaylka dawladnimo ee Somaliland.
Tan iyo markii Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda qarannimo, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu waxay ahayd halbowlaha ugu muhiimsan ee dunida u soo bandhiga xaqiiqada iyo jiritaanka Somaliland. Doorkeedu kuma koobna gudbinta wararka iyo hawlaha xukuumadda oo keliya, balse waxa ay noqotay madal istaraatiiji ah oo si joogto ah u xambaarsan qaddiyadda, doodda sharciyadeed, xasilloonida iyo bisaylka dawladnimo ee Somaliland.
Awoodda ay Wasaaraddu u leedahay qaabaynta aragtida caalamka ayaa door weyn ka ciyaartay in qaddiyadda Somaliland hesho dhegaysi iyo faham sii kordhaya. Iyadoo adeegsanaysa warbaahinta qaranka, warbaahinta madaxa bannaan ee gudaha, xidhiidhka saxaafadda caalamiga ah, iyo aaladaha casriga ah ee isgaadhsiinta, waxay si joogto ah u iftiimisay guulaha Somaliland ka gaadhay nabadda, dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah.
Sida uu tilmaamay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL Mudane Muuse Askar Guuleed, wasaaraddu waxay mar walba safka hore kaga jirtaa ilaalinta, xoojinta sumcadda qaranka iyo difaaca xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa oo caalami ah. Hadalkaasi wuxuu muujinayaa xaqiiqo ka ballaadhan weedh siyaasadeed; waa sawirka wasaarad qaran oo fahamsan in dagaalka ugu adag ee maanta taagan aanu ahayn mid hub, balse uu yahay mid ku dhisan xog, sawir-qaran iyo saamayn warbaahineed.
Ugu dambayn, marka dib loo eego safarka dheer ee qaddiyadda Somaliland, waxa muuqata in Wasaaradda Warfaafintu ay tahay tiir aan la dhayalsan karin oo laf-dhabar u ah gudbinta codka shacabka iyo xaqiijinta in dunidu aragto in Somaliland ay tahay: qaran deggan, dimuqraadi ah, isla markaana mudan in uu helo meesha uu kaga jiro bulshada caalamka. Sidaa darteed, haddii aqoonsigu yahay yoolka qaran ee ugu sarreeya, warbaahintuna waa waddada ugu dhow ee lagu gaadhi karo. Wasaaradda Warfaafinta Somaliland-na waxay hore ugu tallaabsatay jidkaas, iyadoo noqotay tiirka ugu weyn ee hagaya iftiinka qaddiyaddaas.




















