Qoolayda Iyo Cajaa’ibka Nolosheeda!

0
118

Korinta Dhasha Iyo Caanaha Hunguriga

Shimbirta Qoolleyda waxa ay leedahay dabeecad aad u yaab badan oo ay kaga duwan tahay inta badan shimbiraha kale.
Qoolleydu waxay dhasheeda ku quudisa waxa loo yaqaan “caano shimbireed” (crop milk).
Shimbirtani kama tirsana naaslayda ubadkooda ku quudiya caanaha naaska marka ay dhalaan. Caanahan shimbirta Qolayduna waxay ka samaysmaan gudaha hunguriga (crop).
Marka ukuntu dillaacdo, Labka iyo dhediga Shimbirtani waxa ay soo daayaan caano jilicsan oo nafaqo leh.
Caanahan waxa ka buuxa borotiin, nafaqo iyo dufan muhiim u ah koritaanka ubadka.
Shimbiraha yaryar waxay ku tiirsan yihiin caanahan maalmaha ugu horreeya noloshooda.
Tani waxay ka caawisaa inay si degdeg ah u koraan oo u xoogaystaan, madaama aanay wax kale cuni karayn.
Waa dabeecad dhif ah oo aan inta badan lagu arkin shimbiraha kale.
Arrintani waxay muujinaysa sida nooluhu u leeyahay xeelado kala duwan oo Allah (sw) ku ilaahmiyay oo uu ku daryeelo ubadkiisa.