Arrimo Sababa Barakada Cimriga Qofka!

0
101

Daraasada lagu baahiyay Wargeyska Times ayaa cadeeyay  in qofka akhlaaqda wanaagsan ee aad u ilaaliya xuquuqda bulshada uu ka cimri dheeraado dadka dhibta badan ee xadgudbku ku badan yahay, dadkuna aanay ka nabadgelin.

Daraasada ayaa muujisay in dadka aad u ilaaliya walaaltinimda, samafalka bulshada  iyo ixtiraamku ay yihiin kuwo ay ku yar tahay anaaniyda iyo keli wax isla doonku, taasi oo sababta in shaqada maskaxdu had iyo jeer ay si deggen u hawl gasho, Cimirigeeduna dheeraado.

Dadka cadhada badan, xasadka iyo dhibtuna ku badan tahay, had iyo jeer maskaxdoodu waxa ay mashquul ku tahay hawlo aan waxba u tarayn,  taasina oo ku keenta in cimirigeedu uu noqdo mid soo gaabta.

Waxa kale oo daraasadu muujisay in daacadnimada, jimcsiga, ilaalinta caafimaadka iyo nadaafadu ay iyaguna qayb ka yihiin cimiriga dheeraada. Islaamku waxa uu inagu dhiirigeliyay inaan xidhiidhino qaraabada isla markaana bulshada wanaageeda ka shaqayno, taasina ay tahay arrimaha keena barakada cimriga ama uu dheeraado.