Qore Sacad Xarbi
Jigjiga (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Cismaan Jaamac Geeljire, oo ay weheliyaan xubno sare oo ka tirsan wasaaradda, ayaa ka qayb galay shirweynaha wada-tashiga saadaasha cimilo xilliyeedka iyo saamaynta isbeddelka cimilada ee gobolka Geeska Afrika.
Shirkan oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta saadaasha roobabka xilliyeedka, isbeddelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay nolosha bulshada, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo deegaanka.
Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, isagoo si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka, gaar ahaan wada shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, si loo wajaho caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada. Waxa uu xusay in iskaashi joogto ahi uu muhiim u yahay horumarinta nidaamyada digniinta hore (early warning systems) iyo kor u qaadista u adkaysiga bulshada.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqaynta heer gobol iyo heer caalami si loo yareeyo saamaynta taban ee isbeddelka cimilada, isla markaana loo helo xalal waara oo ku salaysan xogo dhab ah, cilmi-baadhis iyo wada tashi.
Shirweynaha waxa ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday dawladda federaalka Itoobiya, madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo dalalka Kenya iyo Jabuuti, kuwaas oo dhammaantood ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gobolka iyo wadaagista xogaha cimilada.
Ugu dambayn, shirkan ayaa lagu soo gabagabeeyay talooyin iyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Geeska Afrika, si loo yareeyo saamaynta isbeddelka cimilada loona horumariyo badbaadada deegaanka iyo nolol maalmeedka bulshada.




















