Wasiirro Kormeeray Jid-ka Hargeysa iyo Baligubadle oo Gabagabo Maraysa

0
112

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku soo maray dhismaha jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Baligubadle, kaas oo hawshiisu marayso meel gabagabo ah. Kormeerkan ayaa ahaa mid lagu qiimaynayay heerka uu marayo dhismaha waddada iyo habsami u socodka hawlaha shaqo ee ka socda, iyadoo wasiirku uu si dhow u eegay tayada iyo horumarka mashruuca.

Weftigam uu hoggaaminayo Wasiir Afgaab oo ay xubno ka yihiin wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Qaran ee Ka Hortagga Aafooyinka iyo masuuliyiin kale. Weftigan ayaa Jimcihii shalay safar shaqo ku soo maray deegaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolka Hawd, halkaas oo ay sidoo kale kulan kula yeesheen shaqaalaha ka shaqaynaya mashruuca dhismaha waddadan.

Sidoo kale, weftiga Xukuumadda Somaliland waxay mashaariic horumarineed oo cusub ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hawd, halka kuwo kalena la dhagax-dhigay. Waxqabadka safarkan waxa ka mid ahaa gaadhi UNBALANCE ah oo lagu wareejiyey degmada Gumburaha, wareejinta riig-biyood oo lagu wareejiyey Wasaaradda Biyaha, bilowga mashruuca dhaamka Gumburta Ooda, dhagax-dhigga waddada lambar wanka ah ee degmada Balli-bugadle, iyo sidoo kale dhagax-dhigga xarumo dawladeed oo kor u qaadaya adeegyada bulshada.

Guud ahaan, kormeerka iyo mashaariicda horumarineed ee weftigan Xukuumadda Somaliland ay ka hirgeliyeen Gobolka Hawd ayaa muujinaya dadaal joogto ah ee xukuumaddu ku xoojinayso horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee nolosha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan caafimaadka, biyaha, waddooyinka, iyo xarumaha adeegyada dawliga ah ee gobollada dalka.

Mashruuca waddada Hargeysa–Baligubadle oo maraya heer gabagabo ah ayaa si gaar ah u tilmaamaya muhiimadda ay Xukuumaddu siinayso isku xidhka magaalooyinka iyo fududaynta isu socodka bulshada iyo ganacsiga. Sidoo kale, mashaariicda kale ee la fuliyey iyo kuwa la dhagax-dhigay ayaa ka tarjumaya qorshe horumarineed oo ballaadhan oo lagu wajahayo baahiyaha gobolka.

Ugu dambayn, safarkan shaqo ayaa noqday mid lagu xoojiyey dabagalka iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee hore u socday iyo hirgelinta mashaariic cusub oo muhiimad weyn u leh nolosha bulshada, isla markaana lagu muujiyey sida ay Xukuumadda uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo sare u qaadista kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.