Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah ayaa Somaliland ku tilmaantay awood weyn oo ku taalla gobolka Geeska Afrika, isla markaana si xawli ah ugu soo biireysa saaxaadda awoodda caalamiga ah, taas oo leh muhiimad istiraatijiyadeed oo si weyn uga dhex muuqata tartanka quwadaha waaweyn iyo xiisaha caalamiga ah, gaar ahaan marka laga hadlayo siyaasadaha tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay leedahay khayraad aad u qiimo badan oo ay ku jiraan macdanaha dunida raadika ku ah iyo kheyraadka kale ee muhiimka ah.
Sida ay sheegtay warbixin ay baahisay BBC Chinese, Somaliland waxay ku taallaa goob istiraatijiyadeed oo muhiim ah, taas oo isku xidha Gacanka Cadmeed, Badda Cas, Kanaalka Suways iyo Badweynta Hindiya. Taas oo ka dhigaysaa Somaliland meel muhiim u ah dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo awoodda tamarta caalamiga ah ee tamarta Adduunka. Sidoo kale, Somaliland waxay leedahay khayraadka dabiiciga ah ee muhiimka ah sida macdanta raraha (Rare Earth Elements), kuwaas oo lagama maarmaan u ah warshadaha tiknoolajiyadda sare. “Macdanta raraha iyo kheyraadka kale ee Somaliland ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Somaliland u soo jiidatay xiisaha caalamka, taas oo ka dhigaytay meesha ugu habboon tartanka caalamiga ah ee ku saabsan isticmaalka tamarta iyo horumarinta warshadaha.”
Sidoo kale warbixint waxa kale oo ay tilmaantay in xidhiidhka Somaliland iyo Israel uu sidoo kale yahay tiir weyn oo muhiim u ah dhismaha istiraatijiyadda tamarta ee gobolka iyo caalamka intiisa kale ba. Isla markaana aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu sidoo kale soo bandhigay isbeddelada loollanka siyaasadeed iyo awoodda iskaashiga u dhexeeya Mareykanka, Taiwan iyo Somaliland, Iyada oo tartanka ku saabsan helitaanka kheyraadka iyo saameynta istiraatijiyadeed ee Somaliland ay sidoo kale saameyn ballaadhan ku yeelanayaam xidhiidka u dhexeeya gobolka iyo awoodaha caalamiga ah.
Warbixintan ayaa lagu soo gabagabeeyay “Somaliland, oo si dhaqso leh ugu soo biireysa ciyaarta awoodda caalamiga ah, ayaa noqotay meel muhiim ah oo ku dhex jirta tartanka u dhexeeya Mareykanka, Shiinaha, Taiwan iyo awoodaha kale ee caalamka. Khayraadka dabiiciga ah, istiraatijiyadda tamarta, iyo aqoonsiga caalami ah ee Somaliland ayaa qeyb ka ah qorshayaasha muhiimka ah ee awoodaha caalamiga ah, waxaana la filayaa in mustaqbalka Somaliland ay sii noqoto meeshii ugu muhiimsan ee siyaasadda caalamiga ah ee Geeska Afrika.




















