“Sidee Ayay u Qormi Doonta Mustaqbalka Barashadda Taarikhda Somaliland”

0
178

Qore Saalim Cabdillaahi Wayab

Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaqiijisay horumar iyo tariikh sugan oo ka madhan cuqdad iyo xajiimeyn, taas oo ah dhaxal qaran oo ay bulshada reer Somaliland ay ku faro-adaygeen, isla markaana jiil ba jiil ka dhaxlay. Sidaa darteed taarikhda dahabka ah ee uu leyahay dalkeenu, hadday tahay halgankii SNM ilaa taariikhdii halgankii Darawiisheed ee qarnigii 20aad bilowgiisi, intuba waxay u baahan yihiin in si farshaxanimo iyo ilbaxnimo ku jirto oo wanagsan loo soo bandhigo. Taas oo ah jidka iyo hagaha jiilasha soo socda, iyadoo la tixgelinayo wakhtiyadii kala duwanaa ee ay halgannadaasi dhaceen, dadkii ku suntanaa halgannadaas ee juhdiga iyo dedaalka badan ku bixiyay.

Waxa soo baxay dhawaanahan dad leh ujeeddooyin lagu waxyeelaynayo wadajirka dadka reer Somaliland kuwaas oo doonaya in ay kala irdheeyaan bulshada reer Somaliland, iyaga oo adeegsanaya falsafad ku dhisan in qaybaha bulshada la iska horkeeno, kuwaas oo baraha bulshada ka abaabulaya dad caayaya ama aflagaadeynaya Taarikhihii kala duwanaa ee loo soo maray halgannadii faraha badnaa ee dalka Somaliland loo soo galay, si ay iskaga horkeenaan shacabka walaalaha ah ee ku mideysan calanka tawxiidku ku xardhan yahay. Dhammaan taariikhashaasina waxay u baahan yihiin in la xuso oo si cilmiyaysan loogu dhigo ardayda dugsiyada.

Arrinka xiisaha leh ee Somaliland u taallaa waxay tahay si tariikh aan cuqdad lahayn looga dhaxaysiinayo shacabka iyo ardayda reer Somaliland ee ku kala nool Hargaisa, Burco, Laascaanood, Booraama iyo guud ahaan deegaannada Somaliland. Sida kaliya ee loo mideyn karaa waxa weeye in la isla garto sidda ay u Qormi doonto tariikhda Somaliland ee Mustaqbalka! Marka intaas la isla garto ayaa laga midhi dhallin karaa in la helo taarikh sugan oo ay ku wadda mabsuudaan shacabka Somaliland cid kastaana ay raali ka tahay.