“Aqoonsiga taariikhigga ah ee Somaliland ka heshay Isra’il wuxuu sare u qaaday miisaanka siyaasaddeed ee dalka”
“Somaliland waxay noqotay goob ku haboon maagashiga caalamka oo soo jiidasho
leh” Warbixin: Telefiishanka TV5
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Telefiishanka caalamiga ah ee TV5 ayaa soo bandhigay korodhka miisaanka juquraafi-siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dib aqoonsigii caalamiga ahaa ee ay ka heshay dawladda Israa’iil. Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in Somaliland ay safka hore ka gashay tartanka juquraafi-siyaasadeed ee caalamka, iyadoo tan iyo 2025 maalgashadayaal caalami ah ay si joogto ah ugu soo qulqulayaan Somaliland.
Warbixintan cusub ee uu diyaariyey weriye Théophile Simon, oo ka tirsan TV5-ga oo afka Faransiiska ku hadla, ayaa daaha ka rogtay sida Somaliland ay u noqotay goob ay quwadaha ugu waaweyn adduunka isha ku hayaan. Kadib aqoonsigii taariikhiga ahaa ee ay Israa’iil siisay bishii Diseembar 2025, warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay hadda noqotay xuddunta loolanka loogu jiro Badda Cas iyo marinada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah.
Sidoo kale warbixintani waxay si cad u iftiimisay dedaalka joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland, iyada oo xusgtay “Tan iyo markii uu yimid aqoonsigii u horreeyay, xafiisyada wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland waxay noqdeen goob mashquul badan. Waxaa halkaas ku qulqulaya maalgashadayaal ka imanaya dalalka caalamka, sida Australia oo danaynaya qaybta macdanta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa fariin cad u dirtay beesha caalamka, iyadoo sheegtay: “Halkani waa hoy nabadeed. Waxa kaliya ee naga maqanina waa in dunida inteeda kale ay na aqoonsato.” Dhankooda, maalgashadayaasha shisheeye ayaa muujiyey kalsooni weyn iyagoo yidhi: “Aad bay muhiim noogu ahady inaanu arrintan ku aragno goobtan. Waanu kala hadli doonaa saamilaydayada.”
Warbixintu waxa kale oo ay intaasi raacisay “Somaliland waxay ku tiirsan tahay goobteeda istiraatiijiga ah si ay u soo jiidato aqoonsi buuxa. Dekedda Berbera oo ah dhuunta laga soo galo Badda Cas ayaa hadda ah meel si weyn loo horumariyey. Taas oo leh muhiimad aad u weyn oo la xidhiidha ganacsiga adduunka, ku dhowaad 13% ganacsiga adduunka ayaa mara biyaha Somaliland.”
Mr. Maftourir oo ah madaxda hawlgallada Dekedda Berbara ayaa Telefiishanka caalamiga ah ee TV5 u sharraxay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaannu ku naallanaa Gacanka Cadmeed, taasoo ah mid ka mid ah dariiqyada maraakiibta ugu mashquulka badan dunida. Dunidu waa inay na aqoonsato, sababtoo ah muddo 35 sano ah waxaan dhisnay dal xasilloon oo nabad ah. Ma arkaysaan sida ay kaabayaashayada dhaqaaluhu u horumarayaan. Ku dhowaad 13% ganacsiga adduunka ayaa mara xeebahan taasoo muujinaysa muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland.”




















