Xikmadda Maanta

0
119

Gaadhidda Farxadda Nolosha

  • Qof walba wuxuu rabaa inuu guuleysto, laakiin dad kooban ayaa diyaar u ah inay hurdada ka kacaan.
  • Wiil ayaa yidhi: “Waan caajisay!” Hooyadii ayaa ku tidhi: “Horumarku caajiska ayuu ka bilaabmaa.”
  • Nin ayaa qosol ku yidhi: “Markaan lacag helo, dhibaato ma jirayso, laakiin sideen lacag u helaa?”
  • Noloshu maaha tartan, waa safar, laakiin ha illoobin inaad shidaal ku shubato waana dadaalka.
  • Qosol yar iyo fikir badan, labaduba waa dawo bilaash ah oo nolosha fududeeya.
  • Nin sabool ah ayaa maalin kasta ka caban jiray nolosha, ilaa uu arkay qof ka sii liita, markaas ayuu yidhi: “ Yaab, aniga dhaama waayo waxan haystaa Mobil Internet” . Saaxiibkii oo ag joogay ayaa ku yidhi: “Noloshu waa sida shaah aan sonkor lahayn, adigaa macaan ka dhigan kara. Ha isku dhibin cabasho badan”
  • Nin ayaa weydiiyay Faylasuuf xikmad badane ah: “ Sidee farxadda nolosha lagu helaa?” Isaguna waxa uu ugu jawaabay: “Is barbar dhigga jooji.” Mar kasta oo aad is barbardhig ku samayso nolosha werwerka ayaa kugu badanaya, kuwa aqoonta badan, kuwa kaa mansab sareeya ama ka maal badan.