Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Garab-istaag u Muujisay Maxamed Ordaaye

0
404

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aaden, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa shalay xarunta wasaaradda ku qaabilay muwaadin Maxamed Axmed Aw Cali (Maxamed Ordaaye).

Maxamed (Ordaaye) ayaa si weyn loogu bartay muuqaallada orodka ee uu sameeyo, kuwaas oo si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, isla markaana yeeshay saamayn ballaadhan oo keentay in ay la soo xidhiidhaan shirkado caalami ah iyo kooxo kubadda cagta ah oo caan ah.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyey Maxamed hal-adaygiisa, dadaalka iyo geesinimada uu muujiyey isaga oo qaba baahiyo gaar ah. Sidoo kale, waxa uu u ballanqaaday in qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ay mar walba garab taagan yihiin, Wasiirku waxa kale oo uu xusay in albaabbada wasaaraddu u furan yihiin mar kasta.

Ugu dambayn, Maxamed (Ordaaye) ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee ku wajahan kulanka uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda, isaga oo ku tilmaamay in ay u tahay maalin weyn oo qiimo badan u leh oo uu garab istaag iyo taageero ka helay qarankiisa.

Muwaadin Maxamed Axmed Aw Cali (Maxamed Ordaaye) waxa uu sheegay isla markaana ballanqaaday inuu si sharaf leh u metelayo qarankiisa meel kasta oo uu tago, isla markaana uu ku faano Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta inay siiyaan garab iyo dhiirrigelin buuxda.