Xalka Deg-deg Ah Wakhtiga Dhibtu Jirto!

0
97

Sidee Ayaad Xalka Ku Gaadhaa?!

Nin ayaa maalin isagoo aad u gaajaysan galay makhaayad. Markuu fadhiistay ayuu si kalsooni leh u yidhi: “Fadlan ii keen waxa ugu fiican ee aad haysaan!”

Shaqaalihii ayaa qoslay oo u keenay saxan weyn oo cunto kala duwani ku jirto oo badan. Ninkii markiiba wuu bilaabay cunista waxaana uu si ayuu si degdeg ah u dhammeeyay raashinkiiba.

Markii uu dhegay ayuu u  yeedhay shaqaalihii makhaayadda. Shaqaalaha oo aad u soo dhowaynaya ayaa ku yidhi :” Maxa kale ee aan kuu keenaa?”

Ninkii: “Fadlan… hadda waxa aad iikeentaa qofkii  iga bixin kara lacagta!”

Shaqaalihii ayaa yaabay oo ku yidhi: “Oo Maxaad hore u sheegi wayday?”
Ninkii wuxuu ku jawaabay: “Haddii aan hore kuugu sheego, ma cuntaan heli lahaa!”

Haa. Nolosha ayaan sidan ah marar badan. Dadka qaarkood  waxay ka fikiraan xal degdeg ah marka ay dhibaato ku dhex jiraan.