Gerrard oo Talo Muhiim Ah U Jeediyey Saaxiibkii Arteta, Kahor Kulanka Atletico Madrid ee Lugta Labaad Champions League-ga

0
104

Halyeyga kubadda cagta Ingiriiska, Steven Gerrard, ayaa fariin culus u diray tababare Arsenal, Mikel Arteta, isagoo kula taliyay inuu isbeddel ku sameeyo shaxdiisa kulanka go’aanka go’aaminaya semi-finalka Champions League-ga.

Gerrard, oo falanqeynayay barbarahii 1-1 ahaa ee ka dhacay Madrid, ayaa rumeysan in Arsenal ay u baahan tahay dhiig cusub si ay u xaqiijsato booska finaalka.

Gerrard ayaa si gaar ah carrabka ugu dhuftay in Leandro Trossard iyo Gabriel Martinelli ay tahay inay kusoo bilowdaan kulanka lugta labaad ee ka dhici doona garoonka Emirates. Sida uu qabo Gerrard, labadan xiddig ayaa leh xawaaraha iyo xifaaltanka looga baahan yahay in lagu jebiyo difaaca adag ee kooxda Diego Simeone.

“Haddii aad doonaysid inaad cadaadis saarto Atletico, waxaad u baahan tahay ciyaartoy si toos ah u weerari kara difaaca, Martinelli iyo Trossard ayaana ah kuwa ugu habboon hawshaas,” ayuu yidhi Gerrard.

Sida ay werisay Daily Express, Gerrard ayaa sheegay in inkasta oo Arsenal ay soo bandhigtay ciyaar degan kulankii hore, haddana lugta labaad ay u baahan tahay weerar u hagar baxa.

Waxa uu intaas ku daray in jawiga garoonka Emirates uu caawin doono Gunners, balse go’aanka Arteta ee xulashada ciyaartoyda uu noqon doono midka ugu dambeyn go’aaminaya haddii ay gaadhayaan riyada finaalka iyo haddii kale. Taageerayaasha Arsenal ayaa hadda isha ku haya haddii Arteta uu qaadan doono talada halyeygan si uu u hubiyo guul taariikhi ah.