Julian Alvarez Oo Jebiyay Rikoodh Waalli Ah Oo Uu Ku Faani Jiray Lionel Messi Xiddiga reer Argentina ee Julian Alvarez

0
92

Xiddiga reer Argentina ee Julian Alvarez ayaa dhigay rikoodh taariikhi ah oo layaab leh tartanka Champions League-ga, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu dhakhsaha badnaa ee u dhashay dalkaas ee gaadha 25 gool oo ka tirsan tartankan.

Alvarez ayaa guushan ku gaadhay kaliya 41 kulan, wuxuuna sidaas ku dhaafay halyeyga Lionel Messi oo 42 kulan u baahday si uu tiradaas u gaadho, halka Sergio Aguero uu isna 48 kulan ku gaadhay.

Alvarez ayaa goolkiisii 25-aad ee Champions League-ga ka dhaliyay kooxda Arsenal kulankii Arbacadii ka dhacay garoonka Metropolitano, isagoo rigoodhe u beddelay gool daqiiqadii 56-aad. Guushan ayaa aan ku koobnayn xulka qaranka Argentina oo kaliya, balse Alvarez ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii labaad ee taariikhda Atletico Madrid ee hal xilli ciyaareed gudihiis dhaliya 10 gool iyo ka badan tartamada waaweyn ee Yurub, isagoo raacay raadka Radamel Falcao oo sanadkii 2011/2012 dhaliyay 12 gool.

Bandhigan heerka sarre ah ee Alvarez ayaa imanaya xilli uu fure u yahay weerarka Atletico Madrid, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu dhaawac fudud ka soo gaadhay kulankii Arsenal, taas oo welwel gelinaysa taageerayaasha kooxda reer Spain ka hor kulanka dambe ee London.

Si kastaba ha ahaatee, rikoodhkan cusub ayaa muujinaya in Alvarez uu hadda safka hore kaga jiro xiddigaha ugu saameynta badan kubadda cagta dunida, isagoo xitaa ka sare maray magacyadii ugu waa weynaa ee soo maray dalkiisa Argentina.