Maraykanka ayaa ansixiyay hub dhan $8.6 bilyan oo doolar oo uu hub kaga iibinayo xulafada Bariga Dhexe xilli uu socdo dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.
Iibka ayaa yimid ka dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio uu soo jeediyay Iibka, xaalado degdeg ah oo jira awgeed, wuxuuna soo jeediyey in aanu dib u eegis ku samayn Kongareeska Maraykanku.
Israa’iil iyo dalalka Khaliijka ayaa wajahayay weeraro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ka imanaya Iiraan tan iyo markii uu dagaalku billowday dabayaaqadii bishii Febraayo, taas oo keentay in kaydkooda hubka Maraykanka uu yaraado, isla markaana uu daciifo nidaamkooda difaaca cirka.
Iibka waxaa ka mid ah nidaamka hubka dilaaga ah ee horumarsan ee loo yaqaan (APKWS), qalabka la xidhiidha Raadarka iyo nidaamyada taliska dagaalka.
Sidaas oo kale nidaamyada difaaca cirka iyo gantaalada Patriot ayaa ku jira. Hubkan waxa loo ogolaaday dhammaan dalalka Khaliijka ee uu saameeyey dagaalka Iraan.
Bayaanno taxane ah oo Jimcihii soo baxay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay bixisay “caddayn faahfaahsan” oo ku saabsan xaalad degdeg ah oo u baahan iibka “danta amniga qaranka ee Maraykanka”, iyada oo ka gudubtay geeddi-socodka dib-u-eegista ee Kongareeska ee ku xusan Xeerka Xakamaynta Dhoofinta Hubka.





















