Maraykanka oo dhimaya ciidamadiisa Jarmalka Jooga

0
50

Maraykanka ayaa sheegay inuu dhimayo kumanaanka askari ee Maraykanka ah ee ku sugan Jarmalka, sida uu shaaciyey Donald Trump.

Arrintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz uu dhaleeceeyay qaabka uu Maraykanku u wajahay dagaalka Iiraan, isaga oo sheegay in Maraykanka lagu ceebeeyey wada hadallada Iiraan.

Qoraalkiisa Trump wuxuu ku sheegay inuu dersayo dhimista suurtagalka ah ee Ciidamada Jarmalka, iyada oo go’aan laga gaadhayo muddada gaaban ee soo socota.” Maraykanka wuxuu ku leeyahay Jarmalka joogitaan militari oo muhiim ah, iyada oo ay ka joogaan 36,000 oo askari oo firfircoon.

Hadda sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka, waxa dib loo soo celin doonaa 5000 oo askari, iyada oo laga fiirsan doono inta la soo raacin doono.

Merz ayaa hadal ​​uu jeediyey Isniintii, khudbad uu u jeediyay ardayda jaamacadda ee Marsberg, waxa uu ku sheegay in “Maraykanku si cad u lahayn istaraatiijiyad”.

“Balse dadka Iiraaniyiinta ah si cad ayay u yihiin kuwo aad u xirfad badan oo ku saabsan gorgortanka, waxay oggolaadeen inay u safraan Islamabad ka dibna ay soo noqdeen iyaga oon wax natiijo ah gaadhin,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaas ku daray in “qaranka oo dhan” ay “ceebayn” ku hayaan hoggaanka Iiraan.

Trump ayaa maalintii xigtay ku jawaabay qoraal uu u diray Truth Social, isaga oo sheegay hadalka Merz yahay mid u ogolaanaya Iiraan in ay haysato Hub Nukliyeer ah” oo hadna aanu garanayn sida uu u hadlayo.”

“Ma fahansana in Jarmalka ay si xun u sameynayo waxa ay Iran wado, dhaqaale ahaan, iyo si kaleba!” ayuu ku yidhi qoraalka.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, madaxweynaha Maraykanka ayaa si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu ka bixi doono isbahaysiga 32-ka xubnood ka kooban ee Nato, isaga oo ugu yeedhay Nato  “Mid is mooday waxaanay ahayn” isla markaana ah “waddo hal dhinac ah”.

Horraantii bishii Abriil, email gudaha ah oo laga helay Pentagon-ka ayaa faahfaahin ka bixiyay tallaabooyin suurtagal ah oo Maraykanka uu ku ciqaabi karo xulafadiisa uu aaminsan yahay inay ku guuldareysteen inay taageeraan ololahooda Iiraan, oo ay ku jirto soo jeedin ah in Maraykanku uu raadin karo inuu Spain ka joojiyo NATO mowqifkiisa.

Sarkaal ka tirsan Nato ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska aasaasidda isbahaysiga “aanu jirinwax qodob ah oo ku saabsan joojinta xubinnimada Nato, ama eryidda”.