Sheekada Somaliland: “Waddo ku Dhisan Hal-adayg oo ay Dadku Gacmahoodda Ku Jeexdeen”

0
123

The Somaliland Way: “Jid Gaar ah oo Lagu Dhisay Dawladnimada JSL”

“Somaliland: Qaran ka dhashay burbur, kuna koray nabad iyo adkaysi”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Horn of Africa Geopolitics ayaa tilmaantay in dhismaha dawladnimada Somaliland aanu ku iman deeq shisheeye ama aqoonsi caalami ah, balse uu salka ku hayo go’aan adag iyo halgan dheer oo ay dadkeedu hormuud ka ahaayeen. Warbixintu waxay iftiimisay in guushaasi lagu dhidbay naf-hurid iyo dhididka qaaliga ah ee ay bixiyeen shacabkeedu, kuwaas oo go’aansaday inay aayahooda ka tashadaan isla markaana ay gacantooda ku maamulaan masiirkooda.

Warbixintan oo uu soo xisgtay Wargeyska Dawan, waxay sidoo kale muujinaysaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo ku yaalla Geeska Afrika, lehna taariikh iyo sooyaal u gaar ah, isla markaana si joogto ah u qabta doorashooyin daahfuran oo leh tartan xor iyo xalaal ah, kuwaas oo mar walba awoodda iyo xukunka dalka si nabad ah la isugu wareejiyo, taas oo ah arrin dhif iyo naadir ku ah gobolka Geeska Afrika.

Falanqayntu waxay si qoto dheer u dul istaagtay safarka taariikheed ee Somaliland, geeddi-socodkii dhismaha dawladnimadeeda, iyo sida ay shabkeedu ugu guulaysteen inay nabad iyo horumar ka hirgeliyaan deegaan ka mid ah gobollada ugu xasillooni darrada badan Afrika. Waxaana lagu yidhi “Somaliland waa dal khariidadda caalamka ku yaalla, balse aan weli ku jirin liiska Qaramada Midoobay. Si kastaba ha ahaatee, waa dal leh dhul, khayraad iyo dad adkaysi leh, kuwaas oo dhabbe u gaar ah ka jeexday Geeska Afrika.

Hargeysa, oo ah caasimadda, noloshu waxay si muuqata uga dhex ifaysaa suuqyada mashquulka ah iyo goobaha shaaha lagu cabbo ee firfircoon. Halkan, horumarka laguma cabbiro taallooyin la dhisay, balse waxaa lagu qiimeeyaa go’aanka, hal-adaygga, dulqaadka iyo kartida dadkeeda.”

Warbixintu waxay intaa sii raacisay: “Dadka reer Somaliland ee adkaysiga badani, markii ay la kulmeen burburka, waxay dib ugu laabteen hiddahooda iyo dhaqankooda, iyaga oo halkaas ka dhex abuuray xasillooni aan la filayn. Somaliland in ka badan 30 sano, waxay qabataa doorashooyin nabdoon, waxayna ilaaliyeen ammaankooda, arrintaas oo ah guul aan caadi ahayn marka loo eego gobolka ay ku yaallaan oo xaaladiisu tahay mid kacsan.

Tani waa qaran ay dadkiisu gacmahooda ku dhisteen, waana marag cad oo muujinaya awoodda aayo-ka-tashigooda. Sheekadeedu maaha mid kooban; waa cutub xooggan oo ka warramaya adkaysi, hal-adayg, iyo sharaf ay ku lammaantahay aamusnaan. Waana qaran mudan in si dhab ah loo fahmo Somaliland, waa in si toos ah indhaha loogu arkaa.”

“Dadka reer Somaliland waxay dib u dhiseen magaalooyinkoodii burburay, waxayna dib u yagleeleen adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, iyo ganacsiga. Kadib dhibaatadii ka soo gaadhay dawladdii milatariga ahayd ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre, Isku-tashigaasi wuxuu horseeday midnimo qaran iyo horumar muuqda, ayaa lagu yidhi warbixinta. Waxaanay intaasi ku dartay “Sidoo kale, Somaliland may dhisin oo keliya magaalooyin; waxay dhistay qaran cajiib ah. Qaabka dhismaha dawladnimadeedu wuxuu isku daray dhaqanka bulshada iyo dimuqraadiyadda, isagoo abuuray xasillooni waarta, dariiqaas lagu dhisay Somaliland waxa lagu tilmaamaa “Jidka Somaliland (The Somaliland Way)”.